Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: BARRE HIIRAALE oo la heshiiyay ciidanka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Barre-Hiiraale.jpeg?fit=640%2C453&ssl=1

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xal waara laga gaaray khilaaf soo kala dhex-galay Korneel Barre Aadan Shire oo loo yaqaano (Hiiraale), kadib wada-hadallo xasaasi ah oo ay yeesheen labada dhinac.

Khilaafkan ayaa isku beddalay xiisad dhalisay gacan ka hadal, kadib markii ciidamo taabacsan Korneelka iyo kuwa Itoobiya ay maalmo kahor isku rasaaseeyeen qaybo ka mid ah degmada Doolow, taas oo uga sii dartay xaaladda kacsan ee magaaladaasi.

Kadib Barre Hiiraale iyo saraakiil ka socota ciidanka Itoobiya ayaa isugu yimid miiska wada-hadalka, taas oo keentay in arrinta lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in xaaladda la dajiyo, isla-markaana ciidanka la kala qaado, si aysan mar kale xabad uga dhicin halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Korneelka loo ogolaaday inuu sii joogo degmada, maadaama horay ciidanka Itoobiya ugu amreen inuu ka ka baxo, taas oo keentay xiisadda.

Dadaalladan guuleystay ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa mas’uuliyiinta degmada iyo waxgaradka deegaanka, ayada oo ujeedka uu yahay in xaaladda la qaboojiyo.

Barre Hiiraale oo ah siyaasi caan ah oo kasoo jeedo gobolka Gedo ayaa dhowaan isugu sheegay inuu la dagaalami doono ciidamada Itoobiya, kadib wareysi uu siiyay BBC-da, wuxuuna ku eedeeyay inay dhibaato ka wadaan degmada, kuna amreen inuu ka baxo.

Si kastaba, heshiiska labada dhinac ayaa si aad ah looga soo dhaweeyay degmada Doolow, maadaama maalmihii u dambeeyay ay xiisad ka taagneyd degmadaasi, taas oo hadda meesha ka baxaysa, maadaama khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac uu soo dhammaaday.

The post Xog: BARRE HIIRAALE oo la heshiiyay ciidanka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this