Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulanka Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
382950882_737959988375143_63869583162911

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan 50 cisho ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo ugu tegay magaaladaasi.

Madaxweynaha iyo xubnahan oo isugu jiray guddoomiyeyaashii hore ee golaha shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Gabeed waxay ka wada-hadleen arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladda Koonfur Galbeed.

Ugu horeyn xubnaha mucaaradka ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka adag ee haatan lagu jiro kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha mucaaradka ayaa si gaar ah warbixintooda ugu muujiyay waalaca ka qaaban gaabiska ka jira doorashada iyo dhaqan-gelinta heshiiskii lagu gaaray Baydhaba, kaas oo ay garwadeen ka ahaayeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka.

Dhankisa madaxweyne Xasan ayaa guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka ay dowladdiisa kual jirto Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa kooxda.

Sidoo kale wuxuu adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha Koonfur Galbeed ee lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro guullo horumar leh.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan waxayna shalay Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taas oo ay ku shaaciyeen go’aano culus oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Laftagareen oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xusid mudan in la joogo xilli lagu balamay inay bilaabato doorashada, si loo soo xulo xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Doorashada marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

378395473_737959915041817_19898905860628 382950882_737959988375143_63869583162911 383996225_737962461708229_21833356144781 384104310_737962421708233_84533361121564 384202011_737959745041834_16285232818933 Mucaarad.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Xogta kulanka Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this