Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Fulinta SSC-khaatumo oo maanta shir muhiim ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696070580354.jpg?resize=720%2C48

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo Hoggaamiye Kuxigeen, Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa shir gudoomiyey kulanka Xoghayeyaasha Golaha Fulinta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha hortabinta leh ee horyaal Golaha Fulinta iyo daadajinta nidaamka dowliga ah iyo in dhammaan deegaanada la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah.

Golaha waxa uu sidoo kale qiimeyn ku sameeyey shaqooyinkii qabsoomay toddobaadkii tegay, waxa ayna soo bandhigeen qorsheyaasha xafiis walba uu mudnaanta siinayo bilaha soo socda.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed ayaa ku bogaadiyey Xoghayeyaasha shaqada adag ee ay hayaan isaga oo faray in ay sii laba laabaan dadaalkooda.

PUNTLAND POST

The post Golaha Fulinta SSC-khaatumo oo maanta shir muhiim ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this