Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: July 1st Celebrations

Recommended Posts

Munaasibadda 1da Julaay oo Xaley laga xusey Magaalooyinka Baydhaba iyo Muqdisho:

07/01/07

Abdirahman Qaadi - DMC-Muqdisho

Muqdisho [DMC] 1 Julaay 2007.

 

1da Julaay ayaa ku began xornimada Gobollada Koonfureed iyo israaaca Waqooyi iyo Koonfur, oo ay kala gumeysanayeen Ingiriiska iyo Taliyaaniga. Munaasibadda xuska kowda Julaay ee xaley lagu qabtey Villa Soomaaliya waxaa soo agaasimey Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeybgaley mas'uuliyiinta labada Gole ee Xukuumadda iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha ayaa ka hadley dhibaatada loo soo marey xornimada dalka, wuxuuna xusey inaaan la aqbali karin miraha xornimada in Dowllad la’aan laga dhaxlo. Assagoo la hadlaaya kooxaha dagaalka wada ayuu sheegey in dagaalkoodu yahay mid xaqdarro ah, qasaare ku ah adduun iyo aakhiro, wuxuuna ku eedeeyey inay dilayaan saraakiisha, Aqoonyahanada iyo shacabka caadiga ah, taasna waxay ka dhaxli doonaan buu yiri cawaaqib-xumo, wuxuuna ku boorriyey inay fidnada joojiyaan, wixii ay doonayaanna wadahadal iyo nabad ku raadiyaan.

 

Madaxweyanaha ayaa sheegey inaan xoog lagu gaari karin xukun iyo wax kaleba, qofka kursi iyo maamul doonaya doorasho ayaa soo dhow ee tartan ha ku raadiyo, wuuxuuna hadalkiisa ku soo xirey in sanadkan kiisa kale lagu gaaro nabad iyo horumar.

 

Sidoo kale mas'uuliyiinta ka hadashey xuska munaasabadda 1da Julaay waxaa ka mid ah Ra’iisulwasaaraha XFKMG oo munaasibadda kaga qeybgaley Warbaahinta assagoo ku hakadey magaalada Dubaay ee dalka [uAE], asagoo ku sii jeeda magaalada Accra ee dalka Ghana, halkaas oo uu ka furmey shirkii 9aad ee madaxweyneyaasha iyo Ra’iisalwasaareyaasha dalalka Afrika.

 

Md. Geeddi ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay, xafladda 1da Julaay in lagu qabto Villa Soomaalia, 17 sano ka dib, wuxuuna hamablyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Wasiirka 1aad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay u midoobaan dib-u-dhiska, dib-u-heshiisiinta dalka, nabadgelyada guud ee dalka, wuxuuna ilaahey ka baryey inay sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

 

Jawiga magaalada Muqdisho ayaa xaley degganaa, inkasta oo xaley fiidkii israsaaseyn qaddar daqiiqado ah socotey ka dhacdey isgoyska Kaaso Popolaare. Dhinaca kale xuska 1da Julaay ayaa xaley lagu qabtey maagaalada Baydhaba ee Gobolka Bay, halkaas oo hadallo munaasibaddaas ku saabsan ka jeediyeen mas'uuliyiinta G. Bay iyo xubnaha Golaha Baarlamaanka.

 

Xafladda 1da Julaay ayaan laga xusin Gobollada Bartamaha iyo Koonfurta qaarkood. Sidoo kale waxaan laga xusin Gobollada Waqooyi (Soomaaliland), hase yeeshee waxaa si weyn looga xusey Gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya (Puntland).

 

Inta aan la gaarin calan-saarka oo ku beegneyd 12 saqdii dhaxe waxaa heeso waddani ah halkaas ka qaadayey Hobollada Waaberi oo ay si weyn uga dhax muuqatey Seynaba xaaji Cali Baxsan, waxaana ugu dambeyntii calanka la saarey saqdii dhaxe oo ku began lex saac habeenimo, halkaas oo lagu qaadey heesta calanka ee ahayd:

 

"Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo Isku Tiirsadayee, Hadba Kiinna Taag-Daranee Taageera Weligiinnee".

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this