Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: July 1st Celebrations

Recommended Posts

Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1da Luliyo oo ka dhacday Muqdisho

 

Mugadishu 01, July.07 ( Sh.M.Network) Xaflad Balaaran oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayo munaasabadda 1da Luuliyo oo qudbad uu ka jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf ayaa xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

 

Munaasabaddaan oo bilaabatay abaarihii 7dii fiidnimo ee xalay ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas'uuliyiin ka socotey xubnaha labada gole ee dowladda KMG ah ee Somalia iyo xubno kale oo halkaasi lagu casuumay.

 

Xafladdaan ayaa intii ay socotey waxaa lagu soo bandhigay heeso wadani ah oo ka turjumaya ahmiyadda gaarka ah ee shacbiga Somaliyeed ay u leedahay 1da Lulio oo ah maalintii ay israaceen gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ee Somalia.

 

Madaxweynaha dowladda kMG ah oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in ay muqadas tahay soo celinta midnimadii Somalia oo uu sheegay in ay fooda ku qaadi doonaan cidii ishortaagta sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu sheegay in kooxaha qaska ka wada magaalada Muqdisho in ay joojiyaan isla markaana ay qaataan Somalinimada, isagoo tilmaamay in shacabka uu ka soo daalay burbur iyo dhibaatooyin, loona baahan yahay in wax walba wada hadal lagu dhameeyo.

 

C/laahi Yuusuf waxa uu tilmaamay in aysan jirin cid xoog ku qabsan karta cid kale, isla markaana goordhow ay shacabku dooran doonaan cidda hogaamin laheyd

 

12 kii habeenimo ee xalay saqdii dhexe ayaa waxaa la suray calanka Somalia, iyadoo howlaha calan saarka ay ka qeybqaateen ciidamada booliska dowladda KMG ah, waxaana la garaacay muusika astaanta qaranka Somalia.

 

Sidoo kale Waxaa halkaasi qudbado ka jeediyay mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda KMG ah ee Somalia oo diiradda ku saaray qudbadahooda muhimadda ay leedahay 1da Luuliyo.

 

Sidoo kale xaflad tan la mid ah ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Somalia.

 

Sawirada munaasabaddaaan goordhow kala soco halkaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Munaasabada kowda Luulyo oo markii ugu horeysay ka dhacday Villa Somalia

1. Jule 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Munaasabad aan horay mudooyinkan loo arag ayaa xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyadda ee villa Somala, markii ugu horeysay tan iyo ridistii xukuumaddii hore taasoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay labada gole ee dowladda Federaalka, maamulka gobolka, qaar ka tirsan halgamayaashii Leegada, marti sharaf iyo Fannaaniinta Soomaaliyed.

 

Munaasabada ayaa xalay saqdii dhexe 12-kii habeenimo gacantiisa ku saaray calamka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyadoo ciidamada bambeeyda Muusikada ay garaacayeen astaanrta calanka isla markaana uu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay ciidamo gaar ah oo si habsami leh Madaxweynaha ugu bixiyay salaam sharaf.

 

Munaasabadaas oo dadkii ka qeybgalay qaarkood oo qiiro wadaninimo dhulka kula dhaceen ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo guddoomiyaha gobolka Bnanaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere iyo mas’uuliyiin kale.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayey qiimaha ay leedahay xornimada maanta lagu naaloonayo iyo dhibaatadii loo soo maray taasoo uu sheegay in dad badani ay naf iyo maalba u soo hureen helista xornimada.

 

“Waa ayaan daro in 47 sano kadib xarnimadii intaa loo soo maray ay iminka noqoto mid dhalisay dhibaatootinka haatan jira, balse dowladda intii garaankeeda ah waxay ka qeyb qaadan doontaa wada hadal iyo dib u heshiisiin, hadiise laga dhega adeego lagama fursan doono in shacbiga iyo dowladda ay meel ugu soo wada jeestaan kooxaha qaran diidka ah” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ugu baaqay kooxaha ka horjeeda dowladda ee falalka qaraxyada, dilalka iyo qarbudaada ka wada daglka gaar ahaan magaalada Muqdisho ay yimaadaan miiska wada hadalka ayna sheegtaan waxa ay tabanayaa.

 

“Qof Muslim ah oo waxba kuu dhiman oo meeshaa iska jooga cidii macno daro u disha ma muslim baa, magacey doonaanba hala baxaan, waxaan ugu baaqeynaa iney u daneeyaan shacbiga 16 sano dhibaateysan ayna ka soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta oo dhawaan furmi doona” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay kaga hadlayey waxqabadka dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay u harsan tahay mudo yar cidii tartarn hoggaamiye dooneysana ay iska sugto xiliga yare e dhiman, balse aaney xoog iyo qarxin wax ku raadin.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay munaaasabadan teeda xigta iney ku gaaraan nabad iyo horumar iyo dib u heshiisiin.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) oo munasaabadaas ka hadlayey ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu wax weyn ka qaban doono ugu horeyn sugida amaanka iyo dib u dhiska goobaha adeegyada buslhada isagoo hoosta ka xariiqay in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha qas wadayaasha ah ee magaalada ka wada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

 

“Waxaan ugu baaqeynaa kuwa fidnada wada iney miiska wada hadalka yimaadaan oo horaa loo yiri maslaxad diid Madarkoow ku jabaa” ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in maamulka gobolka uu wax weyn ka badalay mudadii yareyd ee ay shaqeynayeen isagoo sheegay in caqabadaha hortagaan wax u qabasada shacbigana dhawaan laga gudbi doono.

 

Gabagabadii munaasabadaas oo ay suugaan kala duwan ku soo bandhigayeen barbaarta gaashaaman, Hobolada waaberi, kooxda heegan iyo cidamada baambeyda muusikada ayaa ilaa waagu ka baryo halkaasi si xiiso leh ugu socotay iyadoo ay ku soo gabagabowday jawi farxadeed oo qofkii aan joogin qormo iyo hadal aan loogu soo koobi Karin.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabadii Xuska 1da Luulyo iyo Khudbadii Madaxweynaha DFKMG

Last Updated::2007-07-01 14:30:37

 

Muqdisho:- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mas'uuliyiinta Dowlada Federaalka ayaa ka qeyb galaya xalay munaasabad balaaran oo ka dhacday Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad halkaasi kasoo jeediyey asagoo ka hadlay waxqabadka dowladiisa iyo waliba baaqyo uu u diray kooxaha shaqaaqooyinka ka wada caasimada Muqdisho in ay joojiyaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, isagoo sheegay in shacabka uu ka soo daalay dagaal iyo colaad, waxaana la soo gaaray buu yiri xilligii nabada iyo dib u heshiisiinta.

 

Xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 1da luulyo maalinta xoriyada gobollada koonfureed iyo israaca gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi ee Soomaaliya,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay madaxweyne Yuusuf, xubno ka tirsan labada gole, masuuliyiinta gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

 

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa kula talyay koooxaha ka soo horjeeda dawladdiisa in ay wadahadal wax ku raadiyaan isla markaana ay joojiyaan gacan ka hadalka, isagoo sheegay in dagaal aan xal lagu gaari karin, waxa uuna sheegay in ayaan darro ay tahay in la dilo aqoonyahanada iyo raga indhaha u ah dalka.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in 47 sano kadib ay jiraan dad Soomaaliyeed oo weli ka shaqeenayo burbur iyo dagaalo.

 

Wuxuuna xusay in ay jiraan kooxo muslimiin ah oo si bareer ah u dilaya dad kale oo muslimiin ah isla markaana dalka Soomaaliya aqoonyahanadeeda u dilaya si micno daro ah.

 

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in uu dadkaasi ugu baaqayo in ay arrimahaasi ka waantoobaan, hadii kale ay is arki doonaan Dowlada Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sheegay in dowladan ay tahay mid kumeel gaar ah oo ay hawshooda tahay in dalka u diyaariyaan in ay dhacaan Doorashooyin xor ah oo ay dadku wax doortaan.

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in dawladiisa ay ka shaqeyneyso mudada yar ee u hartay sidii ay u soo celin lahayd nabada iyo kala danbeynta, isagoo ugu baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan sidii mar kale Soomaaliya ay u soo ceshan lahayd kaalintii ay ku lahayd caalamka.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladaasi ku simaha ra'iisal wasaaraha DFKM Saalim Caliyow Ibrow iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere, waxaana xalay 12:00kii habeenimo la saaray calanka Soomaaliya, sidoo kale xuska 1da luulyo ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo iyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1da Luliyo oo ka dhacday Muqdisho

Mugadishu 01, July.07 ( Sh.M.Network) Xaflad Balaaran oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayo munaasabadda 1da Luuliyo oo qudbad uu ka jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf ayaa xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasi dadkii ka qeybgalay ay u badnaayeen ehelada madaxweynaha.

Munaasabaddaan oo bilaabatay abaarihii 7dii fiidnimo ee xalay ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas'uuliyiin ka socotey xubnaha labada gole ee dowladda KMG ah ee Somalia iyo xubno kale oo halkaasi lagu casuumay.

 

Wariye Shabelle ka tirsan oo joogey munaasabaddaasi xaley,ayaa waxaa uu sheegey in munaasabadaasi loo diidey in wax dhaq dhaqaaq ah sameeyaan dadkii ka soo qeyb galey oo ay ku jiraan wariyayaashii ka soo qeyb galey munaasabaddaas.

 

Markii la gaarey saqdii dhexe ee xaley, xilliga calan saarka ayuu ku waramey wariyahaasi in madaxda qaar ay sheegeen in uu keliya dibadda u baxaayo madaxweyne Yuusuf si uu u soo saaro calanka Jamhuuriyadda Somalia, dadkii kalena loo diidey in ay dhaqaaq sameeyaan oo ay xitaa istaagaan,arrimahaasi ayaa waxaa u cuntami waayey guddoomiyaha G/ka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere oo markiiba istaagey misena ku amrey dadkii ka soo qeyb galey in ay wada istaagaan calankuna uu yahay mid Somali oo idil ka dhexeeyo hasa yeeshee aan la heyn dad gaar ah,hadalkaasoo wariyahayaga uu soo sheegey in dadkii ay la riyaaqeen islamarkaasina ay u istaageen iyagoo mashxaradaya.

Xafladdaan ayaa intii ay socotey waxaa lagu soo bandhigay heeso wadani ah oo ka turjumaya ahmiyadda gaarka ah ee shacbiga Somaliyeed ay u leedahay 1da Lulio oo ah maalintii ay israaceen gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ee Somalia.

 

Source

 

Not attending the New York and Accra meeting, being publicly rebuked by Maxamed Dhere - shows that C/llahi Yusuf is doubtly in power.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuska Munaasabadda Xoriyadda ee 1-Luulyo Oo Xalay Si Weyn Looga Xusay Gudaha Dalka Iyo Dibadda (Madaxweyne Yuusuf Oo Khudbad Halaasi ah ka Jeediyey Villa Somalia).

Posted to the Web Jul 01, 06:16

 

MOGADISHU (PO) - Sanad-guuradii 47aad ee kasoo wareegatay xilligii ay gumaysiga ka xuroobeen Gobalada koonfureed iyo israacii Gobalada Koonfur iyo Waqooyi sanadkii 1960-kii ayaa xalay laga xusay qeybo ka mid ah gudaha dalka Somalia iyo dibadaha.

 

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayo 1-Luulyo ayaa xalay ka dhacday xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay kasoo qeybgaleen Mas'uuliyiinta Dowladda KMG oo uu ugu horeeyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha Dowladda KMG oo halkaasi khudbad ballaaran ka jeediyey ayaa hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, isagoo ugu hambalyeeyey xuska Maalinta 1-Luulyo, islamarkaana calanka Somalia uu halkaasi ku saaray Madaxweynaha.

 

Madaxweyne Yuusuf waxa uu sheegay in ay nasiib darro tahay 16-sano ka dib in dalka Somalia wali ay ka jiraan is-ugaarsi iyo dhiig-daadin aan dhamaanayn.

 

Isagoo soo hadal qaaday mushkiladaha ka oogan Caasimada ayaa waxa uu Madaxweyne Yuusuf yiri "Waxaa nasiib xumo ah in dad Islaam sheeganaya ay dad kale oo muslim ah dilaan oo ay ugaarsadaan, iyagoo dano gaar ah leh".

 

Col. Yuusuf ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowladiisa KMG ay waqti yar haysato ayna sii xoojin doonto xukunkeeda, si buu yiri loo helo amaan iyo sinaan horseedi karta in Dorashooyin xor ah ay ka dhacaan dalka Somalia.

 

Sidoo kale Magaalada Baydhabo ayaa xalay waxaa laga xusay munaasabada 1-Luulyo, iyadoo mas'uuliyiinta ugu saraysa maamulka Gobalka Bay ay halkaasi khudbado ku aadan munaasabada ka jeediyeen.

 

Dhinaca kale Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka qurbaha ayaa xalay xusay intooda badan maalinta qiimaha badan ee 1-Luulyo oo ku beegan xilligii ay gobanimada qaateen gobalada koonfureed, islamarkaana ay israaceen Waqooyi iyo koonfur.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Presdient Anwar, indeed its the firts time such an event was held in Villa Somalia since the war.

 

Somalia is back and may Allah make the recovery fast and perminent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabadda 1-luuliyo oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa-Somalia.

 

July -01-2007-HornAfrik, Mogadishu.

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaliya ayaa ugu baaqay kooxaha weerarada ka wada magaalada Muqdisho in ay joojiyaan falalkaasi isla markaana ay dowlada taageeraan

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa umuurtaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabada 1-luuliyo ee xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada dowlada KMG ee Villa Somalia .

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa tibaaxay in dowladiisa ay wax waliba wadahadal ku dooneyso laakiin hadaan laga ogalaan in kooxaha weerarada geeysanaya joojiyaan ay dowladiisa gacmaha ka laaban doonin .

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliya ku booryay ka shaqeynta nabada dalka iyo midnimada Dalka .

 

Waxa uuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xornimadii Soomaliya si fudud loo bur buriyo , waxa uuna shacabka Soomaaliya ugu hambalyeeyay munaasabada 1-luuliyo.

 

Munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka mid ah labada gole ee dowlada KMG ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka xarunta Villa Soomaaliya .

 

Hadal uu halkaasi ka jeediyay duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) ayaa sheegay in muhiim ay tahay in kooxaha weerarada geeysanaya ay joojiyaan isla markaana ay door bidaan nabad iyo wadahadal .

 

Waxa uuna sheegay in uu ka xun yahay in munaasabada 1-Luuliyo ay ku soo beeganto xilli magaalada uu saaran bandow, waxase uu sheegay in looga gonleeyahay sugida amaanka caasimada iyadoo uu intaa raaciyay in bandowga uu sii socondoono.

 

Ka dib majaajilo iyo heeso halkaasi ay ku soo badhigeen kooxaha fanaaniinta ayuu Madaxweyne Yuusuf saqdii dhexe uu saaray calanka .

 

Waxa ayna munaasabadaasi ku soo gabagaboowday jawi aad u qurxoon oo farxad ay ku dheehan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this