Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadnaha: Tijaabo sahlan oo aad ku ogaan karto in wadne xanuun kugu soo socdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Tijaabo dhiig oo aad u sahlan ayaa kuu sheegi karta inta ay la egtahay halista aad ugu jirto inuu kugu dhaco xanuun wandaha ah.
Khubarada ayaa sheegtay in tijaabadaan ay ka wanaagsan tahay inaad iska cabrito cadaadiska dhiigga ama aad sameyso qiimeynta lagu ogaado xaddiga dufanka ee dhiigga.
Ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in ragga uuna oo kaliya lagu tijaabiyay, balse cilmibaarayaal ay dhaqaale ku bixisay Xaruunta Wadnaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in sidoo kale haweenka ay ku shaqayn karto.

Tijaabadaan ayaa sheegi karta xaddiga borotiin loo yaqaano troponin, kaas oo la sii daayo marka uu dhaawac soo gaaro muruqa wadnaha.

Dhaqaatiirta ayaa isticmaala baaritaankaan dhiigga si uu uga kaalmeeyo inay fahmaan xaalka bukaanada horay u qabay wadne xanuunka.
Balse cilmibaarayaasha jaamacadaha Edinbrugh iyo Glasgow oo labaduba ku yaalla Scotland, ayaa sheegay inay tahay in tijaabadaan la isticmaalo inta uusan qofku gaarin heerkaas.

Saacad caafimaad
Cilmibaaris ayaa barafisoor lagu magacaabo Nicholos Mills iyo saaxiibadiis ku ogaadeen in ragga u uku badan yahay borotiinka troponin ay u badan tahay inuu ku dhaco wadne xanuun ama ay u dhintaan cuduro wadnaha la xarira shan iyo toban sano kadib marka tijaabo laga qaado.
Balse ragaan ayaa fursad u helay inay khatartaan ka hortagaan iyaga oo iska yareeyay waxyaabha dufanka leh, isticmaalana daawooyin ka caawin kara, sidoo kale waxaa la yareyn karaa khatarta troponin ka.
3,300 oo rag ah kuwaas oo ka qayb qaatay cilmibaaristaan ayaa dufanku ku badnaa dhiigooda, balse ma aysan lahayn wax wadne xanuun ah oo horay ugu dhacay.
Saynisyahanada ayaa qorsheynaya inay sii wadaan cilmi baaristaan oo ay ku tijaabiyaan haweenka.
Barafisoor David Newby oo kamid ah cilmibaarayaashii daraasadaan ku daabacay joornaala Koleejka American Cardiology ayaa yiri: “Troponin waa sida saacad ku xiran qalbiga oo kale.”

“Hadii uu kor ado ma fiicna oo wuxuu tilmaamayaa qatar wadne xanuun oo sii siyaadeysa. Hadii uu hoos aado waa fiican tahay oo qatarta ayaa yar.”
“Sidoo kale waxay u muuqataa inuu albaabo u furay cidda ka faa’iideysanaysa qaabka cusub ee la soo ogaaday”.
Wadne XanuunXIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Garo xanuunka aamusan
Newby wuxuu sheegay in baaritaanka troponinka uu yahay qaab cusub oo ku soo kordhay ogaanka cadaadiska dhiigga iyo sidoo kale xaalka sigaar cabka markii la doonayo in la saadaaliyo heerka wadne xanuunka ee bukaanka ku imaan kara.
Barafisoor Mills ayaa dhankiisa isna sheegay in nuuca tijaabadaan ay ka caawineyso dhaqaatiirta inay sii ogaadaan bukaanada qaar ee la silcaya xanuunada aamunsan.
“Qaabkaan wuxuu sahlayaa inaan daawooyin ka hor tag ah siino bukaanada loo badinayo inuu ku dhaco wadne anuun” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Dhaqtar ku taqaqusay xanuunada wadnaha oo lagu magacaabo tim Chico kana tirsan jaamacadda Sheffield oo ku taalla Ingiriiska, balse aan kamid ahayn dhaqaatiirtii sameysay cilmibaaristaan, ayaa ku raacay in daraasaddu ay soo kordhisay wax cusub taas oo lagu ogaan karo kuwa halista ugu jira xanuunada wadnaha.
Sikastaba, dhaqaatiirta ayaa ku taliyay in qaabka ugu wanaagsan ee lagu dawyn karo xanuunada wadnaha ay tahay in la sameeyo ka hor tag inta aan xanuunka gaarin meel halis ah.
“Sababtaas darteed ayay uw anaagsan tahay inaad yeelato qaab cunis caafimaad leh. Sidoo kale yeelo jimicsi jireed oo joogto ah, ha cabin, joogteyna inaad la socoto miisaankaaga iyo cadaadiska dhiigaaga”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this