Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Digniino Kasoo Saartay Roobab iyo Daadad Xilliga Dey’rta

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu kulan deg-degg ah kula qaatay Xubno ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada,Midowga Jamacadaha,Bankiyada ,Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale,

Guddoomiiyaha ayaa xubnahan uga  warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan maalmaha ina soo aadan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka  El-Niño oo dhowaan ka dhacay dalka Libiya, xilli Jabuuti laga dareemay Dhulgariir.

Kulankaan ayaa looga hadlay in Culimada ka qeyb qataan sii faafinta Wararka Roobkaan si bulshada u taxadarto,in Ganacsatada ay Cadeeyaan waxa ay heli karaan ee gobolada dalka iyo Caasimada u yaal si hadii ay dhacaan dhacdooyinkaan bulshada loogu gurmado,in la aruuriyo Qaaraan si isku tashi loo muujiyo.

Shirjiraa’id oo ay siwada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Guddigaan ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan oo la filayo in ay da’aan xilliga Day’rta ee bilaabanaysa dhowaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this