Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda NISA oo Sheegtay in Gacanta Lagu Dhigay Madaxii Al-shabaab Dibadda Qaraxyada Uga Soo Iibinjiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shakhsigii Al-shabaab uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado sida lagu sheegay bayaan au NISA faafisay.

Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, ayaa het’addu xustay in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli inuu u baxsado  deegaannada ay kooxdu ku xoogan tahay.

Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday Al-shabaab  laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay ka go’an gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh Al-shabaab , sida lagu sheegay bayaanka NISA kasoo baxay ee lagu xaqiijiyay qabashada Sakariye Kamaal.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this