Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahinno Laga Helayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare dhaliyay oo galabta ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kadib markii  Qof naftii halige ah oo uu isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho ee degmada.

Waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimadho iyo dhaawac soo gaaraya dadkii ku sugnaa maqaayada sida lagu sheegay sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, yaas lagu faahfaahiyay waxa dhacay.

Inta la xaqiijiyay Ilaa 5-ruux ayaa ku dhintay halkaa ay ku dhaawacmeen 6 kale oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay ay dhaawacyo kale duwan kasoo gaareen qaraxa oo ahaa mid uu fuliyay ruux la sheegay inuu maqaayadda joogay.

“Khawaarijtu waxaa bartilmaameed u ah shacabka Soomaaliyeed oo muslimiinta ah, insha allaah khawaarijta dalka waa la ga sifeyn doonaa”waxaa sida yiri Afhayeenka ciidanka boliiska Soomaaliya Sidiiq Doodishe oo warbaahinta hadlay qaraxa kadib.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid dagan waxaana ammaankeeda siweyn u sugaya ciidanka Booliiska sida Milatariga u yababaran iyo kuwa hey’adda NISA iyo Booliiska gobolka Baanaadir oo iskaashanayan.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this