Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaska Madaxweyne Xilka Laga Tuuray oo Lagu Soo Oogay Dacwado Musuqmaasuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Marwadii madaxweynihii xilka laga tuuray dalka Gabon ayaa wajahaysa eedeymo la xiriira lunsatasho haniti dadweyne iyo arrimo musumaasuq ah oo ay ku kacday xilligii uu talada hayay Ali Bongo oo ay aheyd marwada madaxweynaha.

Sylvia Bongo, oo ah xaaska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon, Ali Bongo, ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacag dhaqis, hanti la xaday, been abuur iyo isticmaal lacago been abuur ah, taas oo keentay in lagu soo oogo.

Dacwad oogaha guud ee dalka Andre Patrick Roponat ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in kiiska Sylvia Bongo la horgeeyay garsooraha dambi baarista ah maalin ka hor. Waxa uu sidoo kale sheegay in amarkii lagu xiray gurigeeda la fulinayo.

Eedeymahan ayaa daba socday toddobaadyo hubanti la’aan ah oo ku saabsan halka ay ku sugan tahay Mrs Bongo, kaddib markii lagu riday xabsi guri 30-kii Agoosto markii ay ciidamadu xukunka ka tuureen ninkeeda.

Go’aanka dacwadda lagu soo oogay marwadii hore ee madaxweynaha ayaa timid kadib markii wiilkeeda Noureddin Bongo Valentin sidoo kale lagu soo eedeeyay musuqmaasuq, wax isdaba marin iyo in xabsiga la dhigay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this