Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Maxay Nasiib? Waa Su’aal Falcelinteda ay Isku Khilaafaan Dhamaan Dadka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta badan Waxa ay bulshadeen maqlaaan Waxa loogu yeero Nasiibka, kaasoo ay aaminsan yihiin dad badankii ee dunida ku nool, laakiin siyaabo kale duwan iyo aragtiyo aan isku mid aheyn ayey ka leeyihiin.

Dad badan ayaa aaminsan In Nasiibku uu yahay wax la iska dhaxlo oo la micno hadii ay waalidkaaga ahaayeen dad nasiib badan waxaas noqon dontaa isla sidaas ,halka dadka qaar ay qabaan in aysan waxba ka jirin guud ahaanba NAsiibka oo ay wax xukmiyaan kaliya dadaalka uu qofku bixiyo

Marar badan waxaan aragnaa in ay dhacdo laba qof oo bixiyay dadaal isku mid ah ama siman balse uu guuleesto Hal qof taasoo abuurtay Waxa loogu yeero nasiibka ,waxaan inbadan dhagaheena kusoo dhaca hebel ayaa ka nasiib hebel kaa kle

Iyadoo ay taasi jirto haddana waxaan meesha ka marneen dadaalka waxa ayna Soomalidu tiraahdaa “dadaalaa Wuu gaaraa “oo la micno ah qofkastoo dadaal waa uu gaaraa riyooyinkiisa oo dhami

Haddaba maxaa ka jira Nasiibka maxayse dadka ka aaminsanyihiin maxayse tahay farqiga u dhaxeeya dadaalka iyo Nasiibka

Moxamed Axmed waxaa uu ka mid yahay ardayda wax ka barata magaalada Muqdisho oo aan weeydiinay fikirka uuka heesto nasiibka ayaa yiri “.Nasiibka waa wax jira balse Waxa wax baddala waa Juhdiga uu bixiyo Qofka Nasiibka ayaana siiya guusha waana taas Sababta loo eedeeyo nasiibka “.

Cabdulalahi yusuf oo  ka hadlay fikirkiisa Ku aadan Nasiibka ayaa yiri “Ani wax nasiib la dhaho ma aaminsani nasiibkaaga madaxa kuu taagay iyo nasiibkaaga wax ku dhaafiyay waxaan aaminsanahay qaddarta kaliya “ laakiin tani waxaa ay muujin sida loogu kala duwan yahay fakarka laga heysto.

Nasiibku dadka badankii ayaa aaminsan inuu yahay wax jira sida lagu arkay dhacdooyin dhowr ah, mararka qaar dadka ayaa xusa in Nasiibku yahay calaf qofku dheeraad u helo ama ka weeciya halka uu joogo, isaga oo u dira jiho kale, laakiin waa dhab in jiritaankiisa la isku diidan yahay.

W/Q/ Shukri Cumar Yuusuf

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this