Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Jubbaland oo Sheegay Iney Fashiliyeen Qarax Lagu Aasay Degmada Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi iney ku  fashiliyeen qarax miino, kaas oo lagu aasay wadada sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi.

Qaraxa miino ayaa la fashiliyay qaraxa kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada, kaas oo lagu xaqiijinayay ammaanka guud, qaraxa ayaa ahaa mid la galiyay hareeraha wadada halboowlaha ah ee dhex marta degmada Dhoobley, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka ee Jubbaland eek u sugan.

“Ciidanka amniga Jubbaland ee degmada Dhoobley ayaa fashiliyey miino ay kooxda Khawaarijtu qorshaynayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka Jubbaland oo looga hadlay qarax la fashiliyay, kaas oo aan geysan  wax khasaaro ah.

Degmadaan oo dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya aya waxaa dhowr jeer ka dhacay meelo ku dhow weerar ay Al-shabaab la beegsadeen mas’uuliyiin Soomaali iyo Kenyaan isugu jira, waxaana xusid mudan in goblolka ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka Kumaandooska iyo Daraawiishta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this