Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Galmudug iyo Hirshabeelle Ka Socda iyo Cali Jeyte oo Fariin Diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug waxaa ka socda dhaqdhaaqyo xooggan iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka,  oo ku wajahan deegaannada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin labada maamul, xilli la qorsheeyay weerar xooggan.

Madaxda ugu sareysa dowlad goboleedyada  Hirshabeelle  iyo Galmudug iyo mas’uulliyiin heer federal ah ayaa ciidanka wali kula sugan furimaha, waxaana xusid mudan in ay qeyb ka yihiin abaabulka iyo dardargelinta howlgallada socda, kuwaas oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro maamullada

Cali Jeyte Cismaan  Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo dhowaan kasoo laabtay Dhuusamareeb oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa sheegay inuu soo dhamaaday wayihii Al-shabaab ee deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, isaga oo xusay tallaabo in la qaadayo.

Hadalkiisa ayuu ku xusay in weerarka ugu xooggan lagu qaadi doono deegaannada dhaca Galbeedka, halkaas uu sheegay in Al-shabaab ay kasoo tallaabaan si ay waxyeello uga geystaan deegananada Bariga, isaga oo carabka ku dhuftay inaan madaxweynaha lagu daawan doonin furimaha dagaalka ee la garab istaagi doono, waxaana uu baaq u diray ciidanka deegaanka uu ka dalbaday in madaxweynaha loo hiiliyo.

“ Maxamed Cali Samatar dagaalkii 77-dii laba jeer ayuu furimaha tagay, madaxweynihiina maba taginba, War Illahbaan idiin ku dhaarshee madaxweynihii Soomaaliya oo furinta jooga ka warama, oo ogaad waad doorateen oo dad adinka idinka wakiil ah ayaa doortay, furinta ayuu fadhiyaa ma ogu hareynaa” ayuu hadalkiisa ku yiri Cali Jeyte Cismaan  oo hadlayay.

Sidoo kale  ciidanka dowladda, Daraawiishta Galmudug iyo xoogga dalka ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno hoostaga magaalooyinka Shabeelow iyo Camaara, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen dagaallo iyo duqeymo xooggan oo ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee taageera ciidanka xoogga dalka.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa dhowaan Muqdisho ka sagootiyay ciidan dib ugu laabanaya deegaannada dhaca bariga gobolka Galgaduud iyo deegaanno dhaca xadka gobolka Galgaduug uu la wadaago Shabeellaha dhexe, kadib markii ciidanka dib u habeyn lagu sameeyay sida ay dowladdu sheegtay kadib kasoo bixitaankii deegaannadaasi.

Madaxda sare maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ee furimaha dagaalka ayaa kusoo aadaya xilli Galmudug uu ku sugan yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Xasan Shiikh Maxamuud oo muddo laba bil ah ugu idlaatay Dhuusamareeb, isaga oo halkaas ka hagaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this