Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Djibouti cabinet members visit Gabiley University pics

Recommended Posts

Wasiiro Ka Tirsan Dawlada Jabuuti oo Booqday Jaamacada Timacadde ee Gabiley.

20100729081844.jpg

 

Wasiirka Warfaafinta wuxuu halkaasi ka balanqaaday inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan dhismaha.....

 

Gabiley (Gabiley News): - Wafti Balaadhan oo ay hogaaminayaan Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dawlada Djabuuti Cali Cabdi Faarax iyo Wasiirka Iskaashina Qaranka Jabuuti Maxamed Axmed Cali ayaa maanta kormeer kusoo Jaamacada Timacadde ee Gabiley iyo goobo Kale oo ka tirsan gobolka Gabiley.

4841242199_1855fd6494.jpg

Waftiga Wasiirada Jabuuti oo ay wehelinayeen Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka jabuuti iyo laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalkaasi, wafigaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay gobolka Gabiley ayaa waxaa dhinaca Somaliland ka socday masuuliyiin saresare oo ay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamuud C/laahi (Cirro), Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib), Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Talada Dalka Hantiyay Muuse Biixi Cabdi, Suldaanka guud ee gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley,Ganacsade Maxamed Siciid Geedi, Gudoomiyaha golaha deegaanka Aadan Muxumed Badde iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

4841858462_339271d370.jpg

Kormeerkan waftigaasi ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen xaalada guud ee gobolka Gabiley gaar ahaan Jaamacada Gabiley oo ay doonayeen inay ogaadaan halka ay marayso si ay uga qaybqaataan dhismaha iyo dhamaystirka Jaamacadaasi iyagoo socdaalkooda subaxnimadii saaka kasoo bilaabay magaalada Hargaysa ee Caasimada Dalka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay ugu horayn kormeerkooda kusoo bilaabeen Jaamacada Abaarso (Abarso Technology University, iyadoo halkaasi uu warbixin kooban ku siiyay Gudoomiyaha Jaamadaasi iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise.

 

 

 

Dhismaha Dugsiga Sare ee Timacadde oo loogu talo galay in loo wareejiyo jaamacada Gabiley ee Timacadde ayay waftigu booqashadooda kusoo mareen, iyadoo halkaasina uga warameen Badhasaabka Gabiley Maxamed (Xabiib) iyo Gudoomiyaha Jaamacada Timacade Dr. Cismaan Yuusuf Magan iyagoo labaduba tibaaxay taariikhdii dahabiga ahayd ee dugsigaasi ku lahaa waxbarashadii dawladii soomaaliya iyo masuuliyiinta waftiga la socday badankoodu wax ku soo barteen dugsigaasi oo qalax la odhan jiray

4841858452_1c139f8523.jpg

Badhasaabka ayaa waftiga uga waramay dugsigani iyo waxa hada loogu talo galay inuu noqdo isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi "Dugsigani waa dugsi ay aqoonyahanada maanta halkan inala socda badankoodu kasoo bexeen, goobtan waa dugsigii sare ee Timacadde oo aanu jaamacada usoo rari doono marka uu dhamaystirmo dhismaha dugsiga sare ee loogu talo galay in kan loo raro oo hada jaamacadu kusii dhigato, waana kaa dugsigu quruxdiisa iyo barxada uu haysto, incha allah isagoo jaamacadu ku jirto oo wax lagu dhigtona waad soo booqan doontaan, waftigani baladhan ee wasiiradu hogaaminayaana waxaa leeyahay si balaadhan oo heer qaran iyo heer gobolba ah ayaan wadanka idiinku soo dhawaynayaa, intaas ayaanu illaa hada wax ka qabanay dee inaad idinkuna waxaad qaban karaysaan nala qabataan waan idin soo dhawaynaa, waanad ku mahadsan tihiin booqashada aad noogu timaadeen iyo sida aad noo sharafteen. insha allah waxaan rajaynaynaa reer Gabiley ahaan inay qiimo gaar ah noogu fadhido macne wayna noo samaynayso booqashada aad noogu timaadeen, xidhiidhkeenuna wuu sii libilaabmi doonaa haddii alle yidhaa."

 

 

Waftiga Wasiirada jabuuti intii ay ku jireen jaamacada Timacadde ayaa waxaa warbixinta jaamacada oo kooban siiyay Gudoomiyaha Jaamacada Timacadde Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan oo si kooban uga waramay marxaladihii kala duduwanaa ee jaamacadaasi soo martay, isagoo sheegay in jaamacadu ay marayso sanad oo ardaydii fasax gashay dhawaan loona baahan yahay in jaamacada loo raro dhismhihii Dugsiga sare ee socdaalka kusoo mareen, tusayna dhismaha ay hada ku jiraan oo intiisa badani qabyo tahay iyo in dhismahaasi loogu talo galay dugsiga sare ee Qalax oo halka ay hada ku dhigtaan loo rari doono jaamacada.

 

Dr. Magan waxaa kale oo uu waftigaasi u sheegay in dhamaystirka dhismahan qabyada ahi yahay iyadoo la dhamaystirayo dhismihii jaamacada maadaama kaasi dhamays tiran yahay isagoo waftiga wasiirada ahna ka codsaday inay kala qaybqaataan dhamaystirka jaamacada oo ay rajaynayaan inay sanadkan ku wareegaan goobta dugsiga sare yahay.

 

4841242193_987cf51372.jpg

Waftiga oo Qado sharaf loogu sameeyay tuulada Ceel-giniiseed ee ka tirsan degmada Gabiey ayaa waxaa uu wasiirka Warfaafinta Djabuuti oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay Balan qaaday inay dhamaystirka dhismaha jaamacada iyo agabka kale ee jaamacadu u baahan tahayba kala qaybqaadan doonaan, isagoo wasiirku ka waramay booqashadiisii uu ku soo maray jaamacada iyo goobaha kale ee ka tirsan gobolka Gabiley sheegay inay aad u farxad galisay quruxda dhulka, aadna uga mahad celiyay badhasaabka iyo Gudoomiyaha Jaamacada warbixinaha kala duduwan ee ay ka siiyeen dhulkii uu soo maray.

 

dhinaca kale wasiirku waxaa uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay masuuliyiinta baarlamaanka Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye ee waftigaasi hor kacayay isagoo Somalilanda ugu hambalyeeyay xil wareejintii nabad galyada ahayd ee ka dhacday.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamuud C/laahi (Cirro) oo masuuliyiinta waftigaasi uga mahad celiyay booqashada ay kusoo mareen gobolka Gabiley isagoo dawlada jabuutina uga mahad celiyay waftiga ay usoo dirtay xil wareejinta isagoo sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ka dhexeeyo xidhiidh diblamaasiyadeed.

 

Booqashada wasiirada jabuuti ayaa daba socotay safar ay badhasaabka gobolka iyo Gudoomiyaha jaamacada Gabiley horaantii sanadkan ku tageen dalka jabuuti halkaasi oo ay kulamo kala duduwan la sameeyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada jabuuti, ganacsato iyo jaaliyada reer Gabiley ee dalka jabuuti oo ay kala yimaadeen balanqaadyo faro badan oo qayb ka ah dhamaystirka ddhismaha jaamacada Gabiley iyo barnaamijyada horumarinta ee ka socday gobolka, tanina waxay daba socotaa safarkaasi hore waxaanay ku dhamaatay guul iyo jawi qurux badan.

 

Weriye C/risaaq Axmed Hayaan (ilkacase)

Gabiley News Office

Gabiley Somaliland

ilkacasenews@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this