Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Kormeeray Iskuulka Caruurta Agoonka Ee Ummu Caisha

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasime ku xigeenka Waaxda Agoonta iyo da’yarta Tabaleysan ee Gobolka Banaadir Marwo ilhaan aweys Axmed ayaa maanta kormeeray School-ka ummu Mu’miniin Caaisha ee degmada Xamar Weyne oo ah xarun lagu xanaaneeyo islamarkaana wax lagu baro 173-gabdhood oo agoon ah.
Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray fasalada ay wax ku bartaan gabadhaha agoonta ah, goobta ay ku cunteeyaan iyo goobta ay seexdaan isaga oo warbixin kooban ka dhageestay maamulka xarunta daryeelka ummu Aisha, waxa uuna ku amaanay sida ay isugu xilqaameen taageerada iyo garab istaaga caruurta Agoonta ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in uu had iyo jeer garab taagan yahay barnaamij kaste oo lagu horumarinayo nolasha caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar, isaga oo si gaar ah u ka faala qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay mas’uuliyada daryeelka Gabdhaha agoonta ah ee xarunta ummu Mu’miniin Caaisha.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this