Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka hubeysan ee Puntland oo billaabay qorshe xasaasi oo ka dhan ah Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Jilib-culusta siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa isu diyaarinaya, in ay bisha October shir weyne ku yeeshaan magaalada Garoowe, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland, oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal hore iyo sidoo kale madaxweynayaashii hore ee Puntland, ayaa la filayaa in ay Garoowe soo galaan ka hor 10 bisha October.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in shirka lagu midaynayo dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubaysan, si looga hortago in uu mudda kororsi samaysto Siciid Deni.

Muddo xileedka Saciid Deni ayaa ku eg bisha Janaayo 2024, hase yeeshee sida wax u socdaan waxay muujineysaa in Deni qorsheyste inaanu doorasho qabin, ayadoo baarlamanka uu ka shaqeynayo sidii muddada loogu kordhin lahaa.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa ku eedaynaya madaxweyne Deni in uu barnaamijka qof iyo cod ku dhex qarinayo damac mudda kororsi, inkastoo isagu hore u sheegay in doorashada wakhtigeeda lagu qabanayo.

Waxaase sii xoogaysanaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo mudda kordhin laba sano ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod.

Puntland ayaa xilligan wajahaysa hubanti la’aan iyo khilaaf siyaasadeed oo gudaha ka aloosan, kaas oo salka ku haya is-faham-waa la xiriira nooca loo geli doono doorashada 2024.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa horey uga dhacay dagaallo hubeysan oo u dhaxeeyey ciidamada maamulka Deni iyo maleeshiyo taabacsan mucaaradka, waxaana laga mar kale laga cabsi qabaa dagaallo kale.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi, oo uu shirar kula leeyahay beesha caalamka, wuxuuna Puntland ka maqan yahay in ka badan 40 cisho.

The post Mucaaradka hubeysan ee Puntland oo billaabay qorshe xasaasi oo ka dhan ah Deni appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this