Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay Aadan Mursal iyo Anas Cabdulqaadir Cali

Recommended Posts

Deeq A.   
2-scaled-1.jpg?fit=2321%2C1261&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Sabti ah go’aan adag kasoo saartay kiiska Anas Cabduqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) & Aadan Mursal Maxamed Macalin (Iidow), kuwaas oo ay 22-kii bishii May ee sanadkan maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho ah.

Anas Cabduqaadir iyo Aadan Mursal ayaa labaduba waxaa lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna dilal ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dadka ay dileen waxaa kamid ahaa Cilmi Cali Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad iyo Maxamed Jaamac Maxamed, sida ay shaaca ka qaaday Maxkamadda sare ee ciidamada.

Dhammaan dadka ay dileen ayaa waxaa ka raaci jireen Salaadaha Masjidka marka ay soo Oogeen kadib, ayaga oo u gaysta toogasho gaadmo ah.

Sidoo kale labadan nin oo horay u bixiyay wareysiyo ayaa ka sheekeeyay dhacdooyin xanuun badan iyo dilal ay ka gaysteen inta ay ka howlgalayeen magaalada Gaalkacyo.

Raggan ayaa gacanta ciidamada ammaanka soo galay 17-kii April ee sanadkan 2023-ka, kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay leeyiihiin ciidanka sida gaarka u tababaran ee kumaandooska Xoogga dalka ee Danab.

Maxkamadda sare ee ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ee ay soo qaateen qareenada Labaatan iyo afartii bishaan ayaa  waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda waxayna ugu dambeyn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yarow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay xukunada ka dhanka ah xubnaha Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale jira rag kale oo soo galay gacanta dowladda, kadib markii ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada gudaha Soomaaliya.

The post Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay Aadan Mursal iyo Anas Cabdulqaadir Cali appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this