Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-1.jpg?fit=1284%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo saaka aroortii hore lagu qaaday fariisin ay ciidanka xasilinta ku leeyihiin isgoyska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gaysteen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo bam ku tuuray ciidanka, kadibna baxsaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama uu dhacay xilli aroor ah, goobta la beegsadayna ay tahay xarun ciidan.

Sidoo kale ciidamada la weeraray ayaa lagu soo warramayaa inay howlgallo kooban ka sameeyeen Ceelasha Biyaha, kuwaas oo ay ku baadi goobayeen ragga weerarka gaystay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaas iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada dowladda,

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada, kuwaas oo halkaas loo geeyay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa waxa soo galaya Muqdisho.

Inta badan ciidamadan ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeya gudaha caasimada iyo hareeraheeda, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo falalka kale ee amni darrada.

Al-Shabaab ayaa inta badan gudaha magaalada Muqdisho ka fuliso weeraro iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay isgoyska Sayidka.

Si kastaba, Kooxda ayaa haatan wajaheysa guluf dagaal oo ka socda inta badan gobollada dalka, kaas oo ay dhul ballaaran ku xoreeyeen ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka.

The post Xog ku saabsan weerar ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this