Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan in uu Hubka iyo walxaha Qarxa Dibada uga soo iibin jiray Alshabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695991753428.jpg?resize=720%2C68

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ku eedaysan in uu Hubka iyo walxaha Qarxa Dibadda uga soo iibin jiray Argagixisada AS.

Sakariye Kamaal oo da’diisu tahay 28 sano jir islamarkaana ay in mudda ah daba-gal ku haysay Hay’adda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa ugu danbayntii gacanta lagu dhigay sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta,kaas oo dibadda ka soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxyada ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed”

“Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

“Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada laguna soo dhex qariyay shixnado ganacsi kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doona Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan in uu Hubka iyo walxaha Qarxa Dibada uga soo iibin jiray Alshabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this