Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo 5 milyan oo Dollar dul-dhigay Madaxa Abuukar Cali Aadan oo ka tirsan kooxda AS

Recommended Posts

Deeq A.   
dep-860x860-1.png?resize=860%2C860&ssl=1

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in lacag dhan 5 milyan oo dollar ay ku  abaalmarineyso qof  kasta oo soo sheega Abuukar Cali Aadan oo la tilmaamay in uu yahay ku xigeenka horjoogayaasha kooxda AS ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee dalkaasi,ayaa lagu sheegay in lacagaasi la siin doono cid kasta  oo keenta xog ku saabsan horjoogahaasi iyo sida loo heli karo.

Bishii Jannaayo 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay Argagixiso Caalamiga ah,kadib markii kooxdiisa la tilmaamay in ay khatar ku yihiin muwaadiniinta Mareykanka , amniga qaranka, siyaasadda dibadda iyo dhaqaalaha Mareykanka.

kooxdaan xagjirka ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro badan oo ka dhacay  Soomaaliya, Uganda iyo Kenya,gaar ahaan weerarradii ismiidaaminta ahaa ee July 11, 2010 ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo uu ku jiray qof Mareykan ah.

Sidoo kale kooxdaasi waxa ay sheegatay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013, halkaasi oo ay ku dhintay in ka badan 60 qof waxaana ku dhawacmay ilaa 200 oo kale.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo 5 milyan oo Dollar dul-dhigay Madaxa Abuukar Cali Aadan oo ka tirsan kooxda AS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this