Sign in to follow this  
Deeq A.

UNHCR oo warbixin ka soo saartay tirada muhaajiriinta sanadkan ku dhintay badda Meditareeniyaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
ae97e4df-b401-41cd-9e24-30800c47c1f0_cx0

In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR.

“Illaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la’yahay 2023 kaliya,” waxaa sidaas Golaha Ammaanka u sheegtay Ruven Menikdiwela, agaasimaha xafiiska UNHCR ee New York.

Tiradan ayaa dhigan koror weyn oo ku yimid tiradii 1,680 ee dhintay ama la waayey muddadan oo kale ee sannadkii 2022.

“Nolol ayaa sidoo kale ku luntay dhulka, oo aan dareenka dadweynaha ku jeedin,” ayay tiri Ruven Menikdiwela.

Socdaalka dhulka ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ka soo jeedaan, illaa xeebaha laga baxo ee Tunisia iyo Libya “ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan caalamka,” ayey tiri Menikdiwela.

Muhaajiriinta iyo qaxootiga “waxay halis u yihiin dhimasho iyo xad-gudubyo xuquuqul insaan, tallaabo kasta oo ay qaadaan,” ayey raacisay Menikdiwela.

Guud ahaan, illaa 186,000 oo qof ayaa badda kasoo galay Koonfurta Yurub, Janaayo ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay dalalka Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta.

Badankood, oo ah 130,000 oo qof, ayaa yimid Talyaaniga, taasi oo ka dhigan koror 83 boqolkiiba ah marka la barbar dhigo isla muddadan oo kale ee 2022.

PUNTLAND POST

The post UNHCR oo warbixin ka soo saartay tirada muhaajiriinta sanadkan ku dhintay badda Meditareeniyaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this