Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo $5 milyan ku raadinaya Abuukar Cali Aadan

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Shabab-Al-Shabaab.jpeg?fit=960%2C580&

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale qaaday tallaabo ka dhan ah hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, ayada oo abaalmarin lacageed oo cusub dul-dhigtay ku-xigeenka Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda).

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in ay ku abaalmarinayso lacag dhan 5 milyan oo dollar qofkii soo sheega xogta Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab.

“Illaa 5 Milyan oo dollarka Mareykanka ah ayaa lagu bixinayaa si loo helo xog ku saabsan Abuukar Cali Aadan. Naga caawi sidii aan u heli lahayn hoggaamiyahan muhiimka ah ee argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay barnaamijka abaalmarinta caddaaladda ee Mareykanka.

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Naga caawi joojinta hoggaamiyahan muhiimka ah (ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab) ee argagixisada.”

Abuukara Cali ayaa Mareykanka horay ugu soo rogay cuna-qabateyn, ayada oo la raacayo qodobka (E.O.) 13224, kaasi oo cuna-qabateyn adag saaraya dadka ajnabiga ah ee halista weyn ku ah amniga muwaadiniinta Mareykanka ama amniga qaranka, siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha Mareykanka.

Sidoo kale Mareykanka ayaa isla sanadkaan ku dhawaaqay in ciddii keenta xogta hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab la siin doono lacag dhan illaa $10 milyan oo abaalmarin ah, taasi oo la dul-dhigay madaxiisa.

Abaalmarintan ayaa waxaa ku dhowaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxayna sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-Shabaab, isaga oo xilkaas qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Horay Mareykanka ayaa 21-kii bishii April ee 2015-kii, Abu Cubayda u aqoonsaday agagixiye caalami ah, waxuuna markaas madaxiisa dul dhigtay 6 milyan oo dollar.

Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda) ayaa ah nin aad isku qariya, waxaana markiisii ugu dambeysay uu kasoo dhex muuqday (isaga oo wejigiisa humaag lagu furay) muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay.

The post Mareykanka oo $5 milyan ku raadinaya Abuukar Cali Aadan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this