Sign in to follow this  
Deeq A.

War ka cusub gabdhihii ‘hadal-haynta dhaliyay’ ee ragga ku garaacay Muqdisho iyo Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-3.jpg?fit=1283%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan si weyn baraha bulshada Soomaalida ugu baahay muuqaallo muujinaya gabdho garaacaya ragg.

Falalkan ayaa qaarkood ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, ayada oo muuqaalladaas uu kamid ahaa nin ay garaacayaan labo haweeney, oo ay ka muuqato cabsi weyn, islamarkaana la maqlayo isaga oo oynaya oo gabdhaha ka codsanaya “inay iska sii daayaan.”

Kadib markii ay muuqaaladan ku baaheen baraha bulshada ayaa waxaa ka howl-galay laamaha ammaanka, waxaana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo qaar kamid ah gabdhihii falkaasi ku kacay iyo rag la sheegay inay qeyb ka ahaayeen.

Booliiska magaalada Kismaayo ayaa laba maalin kahor soo bandhigay gabdho iyo wiilal ay sheegeen inay shirqooleen nin, kadibna ay muuqaal ka duubeen iyaga oo garaacaya.

“Booliiska waxaa u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanayaasha oo kala ah afar wiil iyo labo gabdhood,” ayuu yiri Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan saraakiisha booliska gobolka Jubbada Hoose oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Dhamme in wiilasha iyo gabdhaha lasoo qabtay ay gurigooda ku ballamiyeen wiilkan, uu muuqaalkiisa sida weyn u qabsaday baraha bulshada.

Eedeysanayaashan ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda, sida uu sheegay Dhamme oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo.

“Waxaa uga digeynaa bulshada in ay ka feejignaato falkan, oo maalmahan haystay baraha bulshada, ciddii lagu soo qabtana sharciga ayaa la marsiin doona.”

Wararka ayaa intaas kusoo daraya in laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ay sidoo kale soo qabteen eedeysanayaal lala xiriirinayo fal noocaan ah oo ka dhacay caasimada, wallow aan weli arrintaan laga xaqiijin booliska magaalada.

Isku soo wada duubo, falalka noocaan ah ayaa muddooyinkii dambe soo badanayay, taasi oo si adag uga digeen laamaha ammaanka, ayada oo dadkuna ay siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen muuqaalada maalmihii lasoo dhaafay qabsaday baraha bulshada.

The post War ka cusub gabdhihii ‘hadal-haynta dhaliyay’ ee ragga ku garaacay Muqdisho iyo Kismaayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this