Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Taliyaha Booliska DF oo amray in dembiyada dhaca qaar dhaqan lagu xaliyo

Recommended Posts

Deeq A.   
taliye-Sulub.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin oo xarigga ka jaray saldhigga cusub ee degmada Yaaqshiid ayaa hal arrin faray saraakiisha hoggaamisa booliska ka howlgala degmooyinka dalka.

Taliye Sulub ayaa taliyaasha saldhigyada faray in qofka dambiilaha ah ay sii hayaan oo aysan maxkamad u gudbin inta ay gartiisa ka gelayaan odayaasha dhaqanka.

“Heysan aheyn kiisas waaweyn oo kiisaska damaanada gelin ah, waxaa u adeegsa kartaan xalkooda odayaasha dhaqanka, u yeera u soo bandhiga waxa dhacay, kana suga inta ay xal ka gaarayaan,” ayuu taliyeyaasha saldhigyada faray Jeneraal Sulub.

Taliyaha ayaa saraakiisha booliska faray in tix gelin la siiyo odayaasha dhaqanka oo inta badan xal ka gaara dembiyada dhaca, maadaama dadka kan dembi gala iyo kan laga galo ay leeyihiin waxgarad gartooda goyn kara.

“Markii odayaashu ka quustaan oo kiiska xali waayaan kadib ayaa la aadi karaa maxkamadda iyo hey’adaha garsoorka.”

“ Laakiin inta dadka deegaanka, odayaasha dhaqanka iyo culimadu ay ka quusanayaan xalinta kiiskaas, waxay saraakiisha boolisku ku qasban yihiin in la dhowro tixlinta hoggaanka bulshada, si degmo kasta ay u noqoto mid isku xiran,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Sulub, taliyaha booliska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay jiraan kiisas aan xalkooda loo bandhigi karin bulshada oo u baahan in sharciga lagu xaliyo, balse kiisaska fudud wuxuu taliyuhu faray saraakiisha inay dhaqanka fursad u siiyaan inay xal ka gaaraan.

“Ammaanka iyo kala dambeynta waxaa iska leh dadka deegaanka ayagaa laga rabaa inay ka shaqeeyaan, ayaga ayaa degmadooda ka dhigan kara tan ugu amaanka badan, hadii ay iska qabtaan dadka xun ee amniga halista ku ah.

“Hadii dadku aysan amnigooda ilaashan, ciidanku waxaba ma bedeli karaan, maanta waxaa muuqata wada shaqeyn fiican oo booliska iyo bulshada caasimadda Muqdisho dhex marta,” ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.

Hoos ka daawo

 

The post Daawo: Taliyaha Booliska DF oo amray in dembiyada dhaca qaar dhaqan lagu xaliyo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this