Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo faahfaahin ka soo saaray khasaaraha qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
qarax.jpg?fit=720%2C540&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saaray khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen shan qof oo shacab ah, lix kalena ay ku dhaawacmeen, tirada guud ee dadka dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxaas ayuu boolisku ku sheegay 11 qof.

“Galabta abaare 16:10 PM ayaa qof naftii halige oo Khawaarijta ka tirsanaa isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho Degmada Howlwadaag. Khasaaraha ayaa ah dhimashada 5 iyo dhaawaca 6 kale oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay iyo naftii haligihii. Khawaarijtu waxaa bartilmaameed u ah shacabka Soomaaliyeed oo muslimiinta ah, insha alaah Khawaarijta dalka waa la ga sifeyn doonaa,” ayaa lagu yiri faahfaahinta booliska.

Qaraxaas oo ahaa mid culus oo is-miidaamin ah ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxay u dhow dagay Ex Baar-bulsho oo ku yaalla isgoyska Sayidka, waxay xisaabsan tahay degmada Howlwadaag.

Maqaayadda uu beegsaday ninkaas waxaa la sheegay inay aheyd mid lagu qayilo oo bulsho badan ay ku sugneed, qaraxa kadib ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska iyo nabad sugidda ayaa la wareegay amniga goobta oo dadka shacabka ah iyo warbaahinta ayaa loo diiday.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in maqaayadaas ay ku sugnaayeen markii uu qaraxaasi ka dhacay, sida caadiga ah ciidamada ayaa maalin kasta fariisa jiray maqaayadda, waxaana la aaminsan yahay in bartilmaameedka ninka is-qarxiyey uu ahaa askarta.

Kooxda Al-Shabaab oo looga adkaaday dagaallada ka socda gobollada dalka ayaa sidoo kale laga hor istaagay qaraxyadii halista badnaa ee gaadiidka ay ku soo rari jireen oo Muqdisho ay ka fuli jireen, hadda waxay ku soo uruureen inay qof qof isku qarxiyaan, inta soo xirtaan jaakadaha qarxa.

Bilihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa hareeraha Muqdisho ku fashiliyey qaraxyo ay Shabaab doonayeen inay soo geliyaan gudaha magaalada Muqdisho.

Shacabka reer Muqdisho ayaa mudooyinkaan dareemayey amni aysan horay u arkin, halka Shabaab-kii gumaadi jiray shacabka caasimadda ay wajahayaan baacsi iyo dabargoyn ay dowladda iyo shacabka hubka qaatay ku hayaan, waxaana lagu baacsanayaa gobollada fog fog ee dalka.

The post Booliska oo faahfaahin ka soo saaray khasaaraha qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this