Sign in to follow this  
garyare

Heshiiskii Boosaaso ee janan Cadde Muuse Cabdullaahi Yuusuf: Waa Waxba kama jiraan

Recommended Posts

garyare   

BEENI TILLAABO GAABAN AYAY LEEDAHAY!:

WAA Heshiiskii Nabadda EE AY BOOSAASO KU KALA SAXIIXDEEN

CADDE MUUSE XIRSI IYO CABDULLAAHI YUUSUFAXMED, 17/5/2003

 

Qore: Maxamed Sheikh Maxamed Xirsi

Qaybtii 1aad (part one)

 

 

H o r dh a c

 

Maxaan mowduucan ugu magacdaray: Beeni tallaabo gaaban

ayay leedahay?

 

Waxaynnu wada ognahay, in ay beentu cimri gaaban tahay dibna ay ugu soo noqoto qofkii allifay kaasoo noqda mid ay ceebi ka raacdo gaar ahaan haddii uu yahay qof aan hore loogu aqoon beenta. Hase yeeshee waxaa jira dad ayaga aysan ceebtu xanuujin oo horeba loogu yiqiin beenlow, sida Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Beenaaluhu wuxuu inta badan dhagraa qof ama dad cusub walow ay jiraan dad mar ka badan ku dhaca dabinka beenlowga. Waa meesha ay Soomaalidu ka tiraahdo “mar i dage waa Alle dag, hadduu labo goor i dagana (sirana) anigaa Alle dag ah”.

 

Xaalado aad u badan oo qofka u geeya beenta waxaan ka soo qaadanaynaa kuwan hoose:

 

1. Cabsi ama badbaadin naftiisa

2. inkiraad dambi uu galay

3. Markhaati beenaalennimo oo ayaduna ka timaadda cabsi, damiir xumo iwm

4. Hunguri xumo ama dhuuni-raacnimo. Hunguri xumadu waa wax kasta oo uu qofku ka raadinayo sad-bursi uusan ula sinnayn dadka kale sida raashin, lacag, hanti kale, shaqo ama darajo siyaasadeed iwm. Noocan ugu dambeeya ayaa ah ka ugu khatarsan xaaladahani waana marka uu qofku ku hunguri xumaysto doonis darajo siyaasadeed oo dhaxalsiisa in uu been ugu dhaarto magaca Alle waxayna u sii daran tahay haddii uu qofkaasi sheeganayo Muslinnimo. Beenlowgani waa nooca ugu fulaysan uguna anaanisan beenaaleyaasha:

 Waa fulay oo wuxuu cuqdad ka qabaa runta (waxaynnu ognahay in sifooyinka geesiga ay ka mid tahay sheegista runta)

 Waa anaani oo wuxuu ka fakaraa oo kali ah danihiisa shakhsiyeed sida dhaqaale darajo u gaar ah iwm

 

5. Beentu waxay kala leedahay darajooyin. Midda halaagga ahi waa tan inta la huwado shaati siyaasadeed loo sheego ama laga iibiyo wax an laabta jirin boqollaal, kumannaan ama malaayiin qof. Waxaa tusaale ah, marka uu waddan shacabkiis uu qof ku aammino hoggaankooda qofkuna uu ka ballan qaado inuu ku maamuli doono caddaalad asagoo ballanqaadkaas ku sii adkaynaya dhaar hadba caqiidada loo yaqaan inuu rumasan yahay taasoo innaga inoo ah Kitaabka Qur’aanka, hase yeeshee uu qofkii ku axdi furo ballantii uu ka qaaday Eebbe iyo ummaddisaba.

 

 

6. Waxaa ayaduna jirta been kale oo khatar ah waana marka ay tahay “wadar” sida tan 2da ex sarkaal, Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Yuusuf (magacyadooda waxaan u kala hormariyey sidii ay ugu kala darajo sarreeyeen markii ay ka wada tirsanaayeen “Ciidankii Xoogga Dalka” oo la burburay Qarankii Somalia ahaydna markii 2doodaba ugu dambaysey darajo shaqo oo sax/sharci ah).

Haddaba, maadaama aysan waayadaan dambe Soomaalidu lumen darajooyinkii ay sharci iyo sharci darroba uga hanteen xukuumadihii burburay ee Soomaaliya, balse qaarkood ayba siiba kororsadeen ama dallaceen, waxaa laga yaabaa in laygu caarado nimankaas an shakiga galiyey darajooyinkoodii saas darteedna waxaan hadda ka dib ugu yeerayaa janan iyo kornayl ama jananka/ku iyo kornaylka/ku marmarna Cadde iyo Cabdullaahi.

Kornaylka ayaa mar loo doortay madaxweynennimada Puntland, hase yeeshee waxaa buriyey in uu jagadaas been ugu dhaartay, maadaama ay dib ka soo baxday inuu ku hantay niyad-xumo (bad faith) uuna doonayey in ay beentaasi u noqoto jaranjaro si uu waligiis xoog ugu haysto maamulka Puntland ka dibna uga sii gudbo mid ka sii wayn oo ah hoggaamiye Soomaaliya. Niyoxumidaasi waxay la mid tahay inuusan waligiis Puntland u noqon madax sharci ah. Arrintani waxay la mid tahay, qof ay maxkamadi u xukuntay wax uusan xaq u lahayn asagoo khalday xaakinkii darteed, hase yeeshee ay dib ka soo baxday runtii ka dibna uu xugunkii ku baaba’ay sidaas qofkiina laga soo celiyo wixii uu ku hantay xaqdarrada ama khiyaamada ka dibna asaga ay raacdo mas’uuliyad ciqaabeed oo ka dhalatay xaakinkii uu khalday. kornaylka waxaa markaan qoorta u suran dembiyo badan oo ay ka mid yihiin kuwaani:

a. Asagoo khalday Shirweynihii 1989 ee lagu doortay.

b. Asagoo ku adkaystay khaa’innimadaas hore markii ay dib ka soo baxday.

c. Asagoo xoog isticmaalay kuna inqilaabay xukuumad si sharci ah uga dhalatay Puntland adeegsadayna xooggii ciidan & imkaaniyaadkii dhaqaale ee Puntland oo uu ku qortay dad calooshood u shaqaystayaal ah iyo kaalmo hub, khubaro militari iyo lacag uu joogto uga helo xabashida oo ah cadowga 1aad ee Soomaalida.

Beenta wadarta ahi waa marka labo ama ka badan oo qof ay ku wada hadlaan, iska dhaadhiciyaan kuna heshiiyaan been cad. Tusaale ahaan: haddii ay labo qof ku baayactamaan Cirka ama Hawada oo midna uu ballan qaado keenista badeecada (waa cirka ama hawadee) midka kalena uu ballan qaado bixinta qiimihii lagu heshiiyey markuu helo badeecada, waxaan cidna shaki uga jirin in ay labadaas qof yihiin beenaaleyaal.

 

Ceebaha uu been-sheeguhu la kulmo dunida korkeeda waxaa ka mid ah ayadoo ay beenta ku bartaan cid kasta oo uu wax ugu faa’iidaynayo iyo cid kasta oo uu beenta ka sheegayo ama ku waxyeellaynayo. Waxaase beenlowga u kaydsan ceebta uu la tegayo aakhiro iyo Alle hortiis.

 

Dhammaad Hordhac

 

 

Heshiiskii Cadde & Cabdullaahi ee Bosaaso 17/8/2003 waa waxba kama jiraan

 

Heshiiskan oo sida la wada ogyahay ay labada ex sarkaal oo kala ah jananka iyo kornaylku ku wada galeen kuna kala saxiixdeen “magaca Puntland” waa mid “been cad” ah, qaanuun ahaanna aan waxba ka jirin saas darteedna baaba’ (Null) ah. Cidina kuma khasbana fulinta heshiis been ah, sidaas darteedna waajib kuma aha Shacabka reer Puntland in uu u hoggaansamo heshiiska 2da nin maadaama uusan u curinayn ama saarayn waajib amaba uusan reebayn raad qaanuuneed.

 

Isla markaas, ciddii aqoonsata, u hoggaansanta ama ku dhaqanta qodobbadii heshiis beenaadkaasi, ha ahaadeen muwaadiniinta reer Puntland, Soomaalida kale, dhammaan Bulshada Caalamka (Dawladaha, Qarammada Midoobey iyo Laamaheed iyo Hay’adaha Samafalka guud iyo gaar oo ka howlgala Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland) ay jabinayaan Qawaaniintii Puntland sidii uu horeba u jabiyey kornaylku muddadii (1989-2002 uu ku magacawnaa madaxweynaha Puntland. Fadlan akhri qoraalka cinwaankiisu yahay MADAXWEYNE ee bishii Juun 2000 oo aan ka qoray maamulkii kornaylka iyo sidii uu ugu tumanayey Qawaaniintii Puntland. Walow aan qoraalkaas ku faafiyey aqoonleyda iyo waxgaradka kale ee Puntland, gudaha Dalka iyo dibeddiisaba, dad badanina ay iigu soo hambalyeeyeen, ayaa waxaa haddana nasiib darro ah in uusan qoraalkaasi dhiillo ina galin iyo in aynu ka hortagno oo waqti fiican iska qabanno kelitaliyahaas an waxba hambaynayn.

 

Waxaanse ku kalsoonahay, in Shacabka reer Puntland ama ciddii u ah wakiil sharci ahi inay ka dacwoon doona tillaabana ka qaadi doonaan qawaaniintooda la jebiyey ilaa heer Caalami waqtiga ku habboon, haddii loo baahdo, haddii ay sii socoto fowdada uu ku sugan yahay Dalku iyo haddii ay dhammaataba.

 

 

Arrimaha an ku soo qaadidoono hoos waxaa ka mid ah:

 

1. Cilladaha heshiiska qaanuun ahaan:

heshiiskani wuxuu dhexmaray labo qof wuxuuna ahaa heshiis gaar ah (private) ee ma ahayn sida loogu magac daray, inuu ahaa heshiis guud oo daneeya Puntland

 ma jirin haba yaraatee wakaalad ay labada nin ka haysteen shacab ama goleyaal kale.

 (keli talitaliye isma qariyo: Aaway rolkii golayaal kusheeggii(baarlamaan/xukuumad ee Cabdullaahi?)

 sidoo kale, Cadde wuxuu muujiyey kalitalisnimo qaawan: akhristaha ayay u taal inuu baaro inuu jananku asna hore u ahaa kali taliye sida saaxiibkiis Cabdullaahi iyo in kale. Ma askarta ayaa wada ah kalitalis, mise waa ged cusub oo uu hadda la soo baxay Cadde? Aawaye dadkii la shaqaynayey sida tooska ah, iyo tiro aan xad lahayn oo ka soo taageerayey gudaha iyo dibedda Dalkaba markii uu tegey Ceel-Afweyn? Siiba, aaway Golihii ay dhowaan ka dhisantay GBP iyo barnaamijkiisii siyaasadeed?

 

2. Sababihii keenay ama dhaliyay heshiiskan: (Sababo Siyaasadeed)

a. dhanka Cabdullaahi:

 xabashida oo danteeda awgeed u qorshaysay in madaxtinnimada Puntland u kaydsanaato isaga isla markaana uu Shirka Soomaalida uga socda Kenya uu magaca Puntland uga helo madaxweynennimo ama jago kale oo sare)

 haddii ay u rumowdo riyadiisa madaxnimo Soomaaliyeed, Puntland waxaa ku soo aaddan: in kornaylka uu xilkaas “boolida” ah ka dhaxlo wiilkiisa sidii saaxiibkiis Maxamed Faarax Caydiid uu uga dhaxlay wiilkiisii Xuseen, amaba uu ku wareejiyo mid isagiiba ka sii dara oo markaas loo ooyo Cabdullaahi sida ay dad badani ugu ooyeen Maxamed Siyaad Barre ka dib markii ay xukunkii ka tureen kuwo dal, dad iyo duunyoba (mood iyo noolba) noo xaalufiyey sida uu ayaxu u xaalufiyo beeraha “wal ciyaadu Billaah”.

 Waxaa kaloo dhici karta, in ay taageerayaasha hubaysan ee kornaylku ayba isku dayaan inqilaab ama afgembi uu la ogyahay. Ta ugu daran oo kallifaysa afgambigani waxay tahay cabsi ay taageerayaashaasi ka qabaan beelihii reer Puntland ee uu kelitaliyuhu u adeegsade waxyeelladooda uguna xadgudbay sida gaarka ah.

 

b. dhanka Cadde:

 waxay u badantahay in laysu barbar dhigay saddexdaan arrimood: (1) in ay xabashidu (oo madaxweynaha Dawladgoboleedka Waqooyi Galgeed (Somaliland) Daahir Rayale ku khasabtay inuu jananka ka saaro xuduudda Maamulkaas) ku soo duusho oo baabi’iso isaga iyo ciidankiisa; (2) inuu aqbalo nabad-kusheeg aysan shuruudi ku xirnayn oo loo yeeriyo, ka dib la geeyo miiska shirka Soomaalida ee Nairobi asagoo loo ekaysiiyey halyey waxkasta uga tanaasulay nabad, ka dibna malaha looba ballan qaaday jago abaalmarin ah oo laga siiyo xukuumadda Soomaaliyeed ee la saadaalinayo in ay ka dhalan doonta halkaas. Warar laga soo xigtey khaaddimiinta kornaylka iyo xabashidu waxay sheegayaan in jagooyinka loo tilmaamay jananka ay ka mid yihiin: wasiir, taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya, safiir ama jago kale oo sare. Ha yeeshee dad badan oo aqoon fiican u leh kornaylku waxay leeyihiin in aan laga yaabin inuu Cadde jagooyinkaas midnaba la siinyo 2dan sababood awgood: kornaylka iyo xabashidiisa oon midna axdi ka xirmin, iyo, si aan loo garan in uu heshiisku ahaa dhagar uu Cadde wax ku iibsadey. iyo (3) in reer Qardho oo uu ka dhashay laga qaado bandowgii lagu go’doomiyey iyo yasiddii (humiliation) loona soo celiyo xorriyaddii laga qaaday

 

3. Xiriirka ka dhexeeya ama ay isaga midka yihiin heshiiskan iyo shirka ku magacaaban

“dibu-heshiisiinta Soomaalida” ee ka socda Mpgathi, Nairobi, Kenya

 midna looguma danaynayo ummadda lagu naanaysayo ee Soomaali weyn iyo reer Puntland ee waxaa labadaba ku danaysanaya shakhsiyaad u waashay in ay wax xukumaan oo kaliya kuwaasoo aan hoosba u eegin in aysanba jirin dad iyo dal ay xukumaan oo ay isla ayagu hore u baabi’iyeen

 labada heshiisba waxaa kor ka maamusha xukuumadda xabashida oo ay runtii maanta u suurto gashay fursad ay Soomaalida ugu kala googoyso daabiyado(tuulooyin) yar yar oo ay ayadu u wada taliso. Fursaddaas waxaa u suurtogaliyey oo ay gaashaan uga dhigatay koox ku hadasha af Soomaaliga korkana uga eg Soomaali hase yeeshee xagga badanka (qalbiga) ka ah xabashi, degaan rasmi ahna kaba dhigtay Addis Ababa laga soo bilaabo burburkii Qarankii Soomaaliya oo ay isla ayaga iyo kuwo la mid ahi ka mas’uul yihiin

 labada gooboodba (heshiis-ku sheeg) waxaa is hor fariistay oo ku heshiiyey (kii Boosaasood) ama ku heshiinaya (kan Nairobi) dad aan wax wakaalad ah ka haysan ama matalin Somaali weyn iyo Puntland midna, howsha ay galeen (Cadde-Cabdullaahi) ama ay ku jiraan (ta Nairobi)

 

4. Sidee ayay ku timid dhexdhexaadinta 2da Isim ee kala ah Boqon Cismaan Aw Maxamuud iyo Suldaan Siciid Cabdisalaam?

 Qaabkee ayay ku bilaabeen howshii dhexdhexaadinta? (ma dhicin dhexdhexaadini waase loo ekaysiiyey (simulated) ayadoo la qaatay kalmadda “qarsoodi” hase yeeshee aan runtii waxba la qarin. Haddii aysan sidaas ahayn, aaway wixii ay hore u qarinayeen ka hor saxiixii heshiiskoodii 17kii May?

 Puntland waxay leedahay 50meeye Isim. Labada Isim ee loogu maxaafsaday? Heshiisku waxay ka kala yimaadeen Somaliland iyo Bariga Buntland oo xigta Somaliland degaankaasoo sida la ogyahay ay sheegato isla Somaliland (waa haddii aynu isaga ku tirinno Isim Puntland). Labada su’aalood oo aynu halka iska waydiin karnaa waxay yihiin: muxuu kornaylku uga ufooday ama uga doolaalooday (akhristow raalli ka noqo kalmaddaan oo loo isticmaalo marka uu labka xooluhu ka iimaan-darroodo dheddigga xoolaha uu ka tirsan yahay markaasna uu u haasaawe doonto dheddig xoolo kale). Waxaan filayaa in cid waliba ay taqaan jawaabta su’aashaas taasoo ah: in ay Isimmada Puntland hore u go’aamiyeen in kornaylka laga eryo maamulka lagu khaaray intii uu joogay, saas darteedna wuu hubay in aan agtooda waxba u ool waxna uusan kaba dhegeysteen. Waxaa jira koox uu u bixiyey “isimmo” oo uu asagu caano ku wada daadsaday kuwaasoo uu mid walba ag qotomiyey Isimikii saxa ahaa ee beeleed. Wuxuu kaloo hubaa in aysan cidina wax ka dhagaysanayn haddii uu la gole yimaado kooxdaan been-abuurka ah (fake isims) kulay ku tahay xabashida iyo qabqablayaasha saaxiibbadiis ah oo ku sugaya Nairobi. Haddii aysan sidaas runtu ahayn, muxuu hadda kuwaas u gayn waayey Shirka Mpagathy markii halkaas looga yeeray Isimmada Soomaalida?

 

5. Natiijada laga filanayo heshiiskan waxaa ka mid ah:

 in maamul-goboleedkii Puntland uu la dhinto kornaylka maadaama laga yaabo in uu Shacabka dalku doorbido dib ugu noqdo bari samaadkii iyo halkii ugu dambaysey nabad, xasillooni iyo isjacayl/isxurmayn walaaltinnimo, waqtigaasoo ahaa intii aan Cabdullaahi u noqon horjooge 1989kii. Qof kastaa wuu ogyahay in dhiigga muwaaddiniinta reer Puntland oo leh hoggaan dhaqameedyo, culimmo, siyaasiyiin, ganacsato, dumar, arday iyo carruur yaryar iyo Soomaali kaleba uu micne la’aan u qulqulay dhammaan Gobollada Dalka muddadaas 5ta sannadood ah oo ay dalka xoogga ku haystaan kornaylka iyo kooxdiisa u adeega xabashida. Miyi iyo magaalaba wuu qooyey dhiigga dadkeennu: Laas-caano, Bosaaso, Qardho, Garowe, Kalabayr, Burtinle, Gaalkacyo iyo goobo kaleba. Waxaa akhristow tusaale kuugu filan in dadka ay dableyda Cabdullaahi micne la’aanta ugu laayeen min Boosaaso ilaa Gaalkacyo ay kor u dhaafeen 20 qof ilaa intii isaga iyo jananku ay kala saxiixdeen heshiiskooda oo hadda laga joogo 2 bilood oo kaliya. Side ayaad akhristow u aragtaa 3da nin oo ka tirsan dableyda kornaylka oo hadda lagu qisaasay Boosaaso? Aniga iyo adigaba way inoo caddahay jawaabtu! 3daasi waxay ahaayeen kuwo nasiib daran oo dilkoodu uu ku soo aadey waqti uu kornaylku joogo shirka Nairobi una baahnaa iidheh dheeraad ah oo uu jago uga helo halkaas isla markaana uu dadkii hore uga samray u tusiyo inuu caddaalad wax ku maamulay. Haddii aysan sidaas ahayn, akhristow ma haysaa cid loo qisaasay boqollaalkii reer Puntland ay ku xasuuqeen dableyda kornaylku 4 sano iyo barkii la soo dhaafay? Miyaysan inaku filnayn in ay isla dableydiisu xabsiga kala baxeen gacan ku dhiigle u xirnaa qisaas magaalada Gaalkacyo sannadkii la soo dhaafay ayagoo adeegsanaya hubkii Puntland?

 waxaa ayaduna cabsi laga qabaa in Puntland uu ka dillaaco dagaal sokeeye sidii kii burburiyey Soomaaliya waayo waxaa Puntland ka muuqda calaamadihii lagu arkay Xamar intii aysan soo galin diiratadii Qaranka dumisay. Calaamadahaas waxaa ka mid ahaa: qaanuunkii iyo kala dambayntii oo dhammaan layska tuuray; dadka oo micne la’aan loo laayo; dadkii walaalaha ahaa oo qolaba loo tusay qolo kale inay cadow u yihiin

 Puntland oo u kala googo’da gobollo, magaalooyin ama tuulooyin amaba ay kusoo duulaan oo qabsadaan kooxo kale oo Soomaaliyeed maadaama aysan wali dhammaan dagaalladii sokeeye

 iyo cabsi ka sii weyn oo ah in Dalkaba ay xabashidu ula wareegto si kama dambays ah ama quwado kale oo shisheeye.

 

6. Inuu Puntland ka dhigay dhabbe halaq maray:

 asagoo u xalaaleeyey una joogtaynaya nidaamka kali talisnimada oo ah in mustaqbalka uu hal qof u yeeriyo wax kasta oo uu rabo.

 in taliska Dalku uu ku dambeeyo dhaxaltooyo oo uu kornaylku uga tago wiilkiisa, haddii uu wiil dhalay (sidii saaxiibkiis janan Caydiid uga tegey wiilkiisii Xuseen madaxweynennimadii uu ku riyooday iyo wixii uu ugu magac daray “dawladdii salballaar”) uuna jeclaan lahaa in wiilkaas ama ciddii kale oo dhaxlaysaaba ay noqdaan dhiigyacab markaasna ay xaajadu noqoto “Salaamullaahi calal Xajaaj/Xujaaj?” (Waxaa jirey nin carab ah oo ahaa kali taliye dilaa ah oo ay dhammaan dadkiisu nebcaayeen. Maalintii uu dhintay ayuu wiilkiisii oo xukunka ka dhaxlay uu soo saaray wareegto ku saabsan aaskii odayga taasoo oranaysa: “meydka aabbahay waa in la qaadsiiyo dariiq toos ah oo an la leexin, sidaas darteedna, dhammaan dhismayaasha ka horyimaada galbinta meydka waa in la burburiyaa ilaa laga gaarayo qabuuraha”. Ka dib markii amarkii boqorka cusubi uu fulay, meydkiina laga soo noqday ayaa waxaa baxay eraygaas mahadhada noqday oo loogu duceeyey boqorkii dilaaga ahaa lana yiri “Xajaaj Allaah ha salaama yeelo” ducadaasoo ka dhigan in uu wiilku uga sii daray. Tanoo kale hore ayay inoo soo martay reer Puntland ama Soomaali ahaan. Dad badan ayaa u duceeyeen kalitaliye Maxamed Siyaad Barre ka dib markii ay xukunka ka rideen dagaal-oogeyaal iyo uubato ay wataan ay dumiyeen xididdadana u siibeen wixii ku hoos noolaa Qarankii Soomaaliya, dad, duunyo iyo dhaqaale kaleba oo leh guurto iyo ma guurto.

 inuu micne beelo ama baaba’oba hoggaan dhaqameedkii Dalku kaasoo qarniyo badan ku soo shaqaynayey mabaadii’ xeer-dhaqameedyo (customary rules) aan qornayn oo ay dadku u rumaysnaayeen sidii qaanuun ay ku khasban yihiin oo loo noqdo mar kasta oo uu yimaado khilaaf labo dhinac, baaxad kasta ha lahaado khilaafkaasiye: dad layska dilo, xoolo laysu sheegto, mucaamilaadka caadiga ah iwm. Sidaynnu wada ognahay, macangagnimada iyo maro-ku-dhegnimada indhaha la’ ee xukun jacaylka kornaylka waxay ku khasabtay dhammaan siyaasiyiintii u dhalatay Gobollada Puntland in ay huleelaan Dalka ka dib markii ay talo dhaafsiin waayeen labadaan qodob: 1 – in ay dadweynaha dagaal galiyaan si laysaga qabto hororkaas markaana ay lagama maarmaan noqon lahayd in uu dhiig badani daato dalkuna burburo, iyo, 2 – in ay Dalka isaga tagaan kana indho qarsadaan in aysan goobjoog ka noqon foolxumada dhacaysa. Runtii waxaa jirtey xaalad uu kornaylku dadka ka iibinayey sannadihii u dhexeeyey 1991kii ilaa dhismihii Xukuumaddii 1aad ee Puntland. Taasi waxay ahayd, maadaama uu wali socdey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, in loo baahan yahay in xukunka loo dhiibo “askari dagaalyahan” ah. Arrintaas waxaa si caaddifad leh ugu guuxay dad badan oo uu taageero uga helay kornaylku, sababtuna waxay ahayd in ay badi Soomaalidu qaayibtay xukunka askarinnimada oo ku xididdaystay laga soo bilaabo 1969. Hase yeeshee dadka intii u fakaraysey si miyir leh iyo intii aqoon fiican u lahayd Cabdullaahi way arkayeen khatarta inagu soo socota haddii aan layska qaban kornaylka iyo kooxda uu ku adeegto. Waxaa ayaguna debedda ka jooga Dalkii aqoonleydii iyo xilkaskii maadaama in badan oo niyo sami iyo in ay wax kordhiyaan loogu baddalay dil, xarig, xayiraad iyo cadaadin kale. Waxaa nasiib darro ah, in qaar ku hadlaya magaca aqoonyahan ama hoggaan dhaqameed ay kornaylka ku taageerayaan dunuubta ay kornaylka iyo adeegayaashiisu ka galayaan reer Puntland, Soomaalida kale iyo guud ahaan Xuquuqul Insaanka. Qolyahaasi ha ******** in ay meel u taal xisaab loola soo bixi doono waqtiga ku habboon ayna jiraan diiwaanno lagu sajalo magacyadooda.

 Sidii lagu arki jirey nidaam kali talis ah, waxaa dhici karta in kornaylka kaaliyeyaashiisu ay ku kacaan tallaabo kale oo qar iska xoor ah. Waxaa dhici karta in ay haweystaan in ay Dalka (Puntland) ku qabsadaan afgambi. Waxaa taas u gayn kara labo arrimood. Midi waa ayadoo uu la toosnaa xukunka horjoogahoodu. Ta kalena waa ayagoo ku ilaalinaya naftooda dakanooyinkii ay galeen awgood.

 qodobbada kore waxaa isku fuuqsaday oo ka daran, in uu kornaylku inagala dagaallamayo ku dhaqanka suubban ee Caqiidada Islaamka oo Alle nagu mannaystay asagoo ay cid waliba ku taqaan inuu dadka ugu necebyahay oo laayo, xabbiso/cadaadiyo Culimmada (Wadaaddada) cadowga Muslimka ugu gacan-haadiyo. Halkii Culimmada suubban wuxuu kornaylku gashaday kuwo khuraafi ah oo mar kasta ka tuura bohol uusan waligiis ka soo bixi doonin. Kuwaas waxaa ka mid ah kuwa loo yaqaan “Timo-wyn” iyo kuwo kale oo loo yaqaan reer “Heemo”. Labadaas qolaba waxay aamminsan yihiin in hoggaanka Dalka lagala tashado dad reer aahkiraad ah oo an qaarkood la aqoon cidda ay ahaayeen ama an la hubin ay waligoodba dhasheen. Haadaanta ay khurafiyiintu ka tuuraan kornaylka waxaa ka mid ah (sida ay ii sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo) ayagoo:

a. Farta ugu fiiqa Culimmada iyo qof kasta oo kale oo diida bidcadood una sheega “ishaara” in khayr ugu jiro inuu qofkaas dilo ama xiro.

b. Sida badan waxay u tilmaamaan qof ay ogyihiin in uu neceb yahay ayagoo leh metela: waa nin salxanyo leh, cimaad cad qaata jimcaha, joogi jirey waddan carbeed, mar dhow ka yimid dhul gaalo, asaga ama hooyadiis ka dhasheen qabiil weyn, deggan guri leh albaab cagaaran una jeeda xagga bari/koofur/badda/galbeed iwm

Waxay kaloo qaayibsiiyeen in uu xuso ama u dabbaaldego taariikhaha uu dilo ninka uu necebyahay. Tan waxaa markhaati u ah, in shir nabadeed ku-sheegan aynu ka hadlayno uu ku beegay maalin Sabti ah oo ay bishu tahay 17. Sida la ogyahay Maalintii uu diley Suldaan Axmed Maxamuud Maxamed (Hurre) ayaa ahayd Sabti bil 17keed (Sabti, 17 Agoosto 2002). Caadiyan dabbaldegyadu waxay dhacaan sannadkiiba hal mar laakiin kornaylku wuxuu kan ka dhigtay malaha bil kasta 17keed. Haddii aynu baarno, malaha waxaynu ogaan lahayn in uu 17ka bilihii la soo dhaafay samaystay munaasabado kale. Dabcan waxaa jira kuwo aynaan waligeen ogaan karin oo u dhaca si khaas ah, qoyseed, saaxiibeed iwm. Haddii kornaylka ay caado u tahay xusidda maalin kasta oo uu dilo nin ka soo horjeeda, markaas waa inay noqotaa inuu maalin kasta dabbaaldego amase dhowr goor maalin kasta. Haddii laysugu daro Raggii SSDF oo loo haysto inuu ku laayey Itoobia (Ethiopia) oo ay ka midka ahaayeen:

 

1. Prof. Cabdiraxmaan Caydiid,

2. Dr Iikar Xaaji Maxamed Xuseen,

3. Kornayl Axmed Ilgiir,

4. Kornayl C/qaadir Gaawiido,

5. Dr C/qaadir Cirrid/Yaambo iyo kuwo kale oo badan.

 

Akhristow haddii aad doonaysid in aad wax ka ogaatid tirada saxa ah iyo magacyada raggii ka tirsanaa SSDF oo lagu eedaynayo inuu kornaylku ka dambeeyey layntooda, si toos ah ama si dadbanba, waxaad waraysan kartaa ragga loo yaqaan DHAFOOR-QIIQ oo ad ka heli kartid gudaha Puntland, meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya iyo dibeddab. Liiska labaad oo layntoodu ay qoorta u suran tahay (hadduu noolyahay iyo haddii uu dhintaba, waa dadkii ka mid ahaa dhammaan qaybaha bulshada ee Puntland, laga soo bilaabo Wadaaddada da’yarta ahayd oo uu ku xasuuqay Boosaaso (waan ka xumahay in aanan waqtigaan heli karin magacyadoodii), ilaa maanta. Boqollaal qof oo kale ayaynu ayagana ku waynay wixii aynu u dhisannay maamul hase yeeshee inagu noqday “dooxato”. Mar labaad waan ka xumahay in aanan hayn tirokoob sax ah oo ku saabsan dadka uu kornaylka hororka ahi inooga laayey micne la’aanta laga soo bilaabo 1989kii, sababtu waxay tahay anigoo ku nool qurbaha saas darteedna ay adagtahay in aan helo macluumaad aad u faahfaahsan walow aan waraysto dad lagu kalsoonaan karo. Saas darteed, liiskan hoose wuxuu ka mid yahay dad qaali ah oo ilaa labadii sannadood ee la soo dhaafay ay si bareer cad ah u toogteen ilaalada gaarka ah ee kornaylku

 

M a g a c a G oo b t a

 

1.Suldaan Axmed M Maxamed(Hurre) Kala-bayr

2. Yaasiin Khaliif Ahmed ‘Faragaab’ Galkayo

3. Farah Mohamed Said (Farah Dheere) Garowe

4. Abdurahman Ugas Yassin Garowe

5.Bashir Sheikh Mohamed Galkayo

6.Abdullahi Farah Qoordheer Galkayo

7.4 nin oo lagu diley masjid dhexdiis Burtinle

8.labo nin oo maxkamad sugayaal ahaa

oo ay xabsiga Burtinle xoog ugala baxeen dableydakornaylku kuna hor toogteen Burtinle

9.dad rayad ah oo badan oo lagu laayey

Qardho kana mid ahaayeen gabar xaamilo

ah iyo ilmo yar oo 3 sano jir ah Qardho

 

 

Marxuumiinta hoos ku liisgaraysani waa kuwo si dadban ugu naf waayey nidaamka kornaylka ayagoo loogu aaneeyey dad uu asagu toos u laayey

 

M a g a c a G oo b t a

 

1.kornayl Moolas Bossasso

2.Bashiir Cabdi Madoobe Bossasso

3.Daahir Yusuf Yey (C/llaah walaalkiis) Garowe

4.Mursal Togox Galkayo

iyo kuwo kale oo badan

 

Waxaaa nasiib darro ah, in muwaadiniintaas lagu laayey hubkii la bixiyey lacagtoodii lana rabey in ayaga lagu difaaco. Waxaa kaloo nasiib darro ah, in kulligood loo laayey micne la’.

Badi raggaas waxaa loo laayey in ay is hortaageen kelitalisnimada kornaylka; qaar kale waxay u dhinteen ayagoo ilaashanaya hantidooda. Xaq miyaa in qof kaa caaraday afka in loogu jawaabo xabbado lala dhaco? Aaway mabda’ii ahaa in ay isu dheelli tirnaadaan weerarka iyo difaacu? Yaa ka dhaadhacsiin kara kornaylka iyo shaqaalihiisa, in dilka, xarigga, xaqdiga iyo cadaadiska kale aysan ku harayn qof ama dhowr qof oo la diley ee ay sii toban-jibaarmayaan mar kasta oo uu dhaco dil xaqdarro ahi? Sidoo kale, yaa u sheega Cabdullaahi iyo kuwa u laaya dadka aan waxba galabsan, in aysan “beerta dhiiggu” dhaqso u engegin saas darteedna ay ficilladooda shaydaannimo raad xun iyo utun ku reebi doonaan mandaqadda iyo in ay dhibaatooyin ka soo gaaraan dad aan waxba galabsan.

 

7. Tallaabaaooyinka waqtigan la gudboon reer Puntland:

 in ay saxitaan u raadiyaan wixii ay iska khaldeen shirweynihii kowaad ee lagu dhisay xukuumad goboleedkii 1aad ee Puntland halkaasoo ergooyinkii ka soo qaybgalay ay si nasiib darro iyo ka fiirsasho la’aan ah Dalka ugu dhiibeen kornaylka. Anigu waxaan qabaa caano daatayba dabadood la qabey, ingiriiskuna wuxuu ku maahmaahaa it is not never late ee aynu Dalka ka qabanno guutada dableyda ah ama daraawiishta cusub inta aysan taariikhda inoo galin inuu waa jiri jirey dal lagu magacaabi jirey Puntland.

 in la joojiyo shirarka iyo baaqyo qoyseedka lagu looga soo horjeedo kornaylka laguna baddalo kuwo wadareed oo ay u dhanyihiin qaybihii horeba uga qaybgalay shirweynihii 1aad. Khasab maaha in tiradu ay le’ekaato tii ka qaybgashay shirkaas, hase yeeshee waxaa shardi ah in ay goobjoog ka yihiin waxgarad laga soo xulay beelaha Puntland. Maadaama aan laga yaabin in uu waxgaradkaas talo ka dhagaysto, howsha ugu muhiimsan oo is araggani waa inuu noqdaa sidii ay beel waliba ula soo bixi lahayd ragga uga jira dableyda ka amar qaadata kornaylka.

 waa in ay cid waliba ogaataa, in shir beeleed kastaa uu faa’iido u yahay xukun kali talis ah ee uusan waxba yeelayn bal wuxuu u ifinayaa inuu ka tabaabushaysto khatarta ku soo aaddan kaddibna ku guulaysto nidaamkiisa qaybi oo xukunka ah.

 In ay si kama dambays ah isugu dhiibaan uubato aan waxba u hambaynayn ka dibna ay carruurta jiilasha dambe ee Soomaaliyeed loo dhigo “waxaa jiri jirtey meel lagu magacaabi jirey Puntland”. Halna ha la wada ogaado, mabda’a kornaylku waa “cadyohow anigu ku cunay ama ciidowday” iyo “dad iyo dal midna igama hari doonaan”. Tan dambe waxaa markhaati cad kuugu ah, markii kal hore laga soo saaray Boosaaso, wuxuu qaylo-dhaan u diray ama u gacan-haadiyey quwadaha meelaha fog wax ka burburin karaa inay soo duqeeyaan Boosaaso asagoo u sheegay in ay halkaa ku sugan yihiin argagixisada maanta ka fongoran Dunida (hadda akhristow ogow: waa meeshii uu isla asagu u talin jirey dhowr toddobaad ka hor!).

 

Cilladaha heshiiska qaanuun ahaan

 

qaanuun ahaan, marka uu heshiis dhexmarayo labo dhinac, waxaa jira shuruudo lagama maarmaan ah in ay marka horeba jiraan si heshiiska loo galo. Tusaale waxaynnu u soo qaadan karnaa kuwan soo socda:

 

I. in uu heshiisku yahay mid ay u siman yihiin labada dhinac iyo in uu yahay heshiis aan loo sinnayn oo hal dhinac leeyahay awoodda inuu dhinaca kale u yeeriyo waxa uu rabo ka dibna sidaas lagu kala saxiixdo looguna magac-daro heshiis hase yeeshee uu hal dhinac ka dheefsaday ama ka faa’iidaystey dhinaca kalena uu ku dulman yahay. Heshiiska aan loo sinnayn wuxuu yimaadaa marka hal dhinac uu aad uga xoog badan yahay dhinaca kale marka loo eego awoodda maaddiga ah gaar ahaan cududda militari, dhaqaale iwm

 

II. haddii heshiisku uusan khusayn danaha gaarka ah ee labada dhinac ama qof oo wada galaysa hase yeeshee uu ku saabsan yahay dan guud, waxaa khasab ah in dhinacyada galayaa ay haystaan wakaalad buuxda oo ay ku matalayaan bulshada ay magaceeda ku galayaan heshiiska

 

III. in inta aan la gelin heshiiska ay dhinacyadu isla doortaan mabaadii’da, qaanuunka ama nidaamka saldhigga u ah ama laga tixraacayo socodsiinta heshiiska isla markaana la dejiyo ajendo waafaqsan qaanuunkaas ama nidaamkaas la doortay layslana oggolaaday

 

IV. in laysla oggolaado xubnaha dhinac kasta uga qaybgalaysa wadahadalka iyo darajooyinka ay uga qaybgalayaan

 

V. in dhinac waliba uu leeyahay khubaro ku takhasustay ama aqoon u leh mowduuca laga doodayo kalana talisa madaxa wafdiga. Waxaa mar kasta khasab ah joogitaan la taliye sharci haddiiba la doonayo in natiijada heshiiskaasi uu waafaqsanaado qaanuunka. Haddii uu yahay heshiis ku saabsan xagga dhaqankana waa inay joogaan lataliyeyaal xagga xeer-dhaqameedka

 

VI. haddii haddaba aysan jirin shuruudaha aan kor ku soo taxay, wuxuu kulan kastaa noqonayaa haasaawe ama iska sheekaysi dhexmaray labo qof ama ka badan oo aysan ka dhalan doonin wax natiijo qaanuuneed ah oo raad ku yeesha bulsho meel deggan. Lambarka VI wuxuu sawirayaa heshiiskii Cadde iyo Cabdullaahi ee Boosaaso.

 

Sababihii dhaliyey heshiiskan: (Sababo dhaqaale)

 

Sababo guud oo ay ka sinnaayeen labada ex sarkaal ka hor heshiiskooda:

- sabab dhaqaale. Sida la ogyahay, dagaal wuu sii daba dheeraadaa oo badi kuma dhammaado muddadii loogu talogalay Dakhliga Cadde wuxuu ka imanayey hal (1) meel ah; halka Cabdullaahi uu dhaqaale ka soo galayey shan (5) meelood. .

 

Dhanka Cadde:

- Dhaqaalaha uu Cadde ku bixin jirey kharajka dableydiisa wuxuu ka heli jirey jeebabka taageerayaashiisa ku nool dibedda Soomaaliya oo kaliya sida aan ku helay xogwarran la rumaysan karo. Dableydii uu isku dubbaridey jananku waxay tiro ahaan gaareen kun iyo dhowr boqon.

- Waxaa awooddii wax bixineed ka gabaabsiday dadkii ugu soo tabarruci jirey lacagta.

- Waxaa markaas adkaatay in uu iskusii hayo dhallinyarada tiradaas leh, iyo in loo babacdhigo kharashaadka badan oo la xiriira, sida gaadiid, shidaal, hub iyo saanad, dayactir iwm.

- Haddii aan dhaqso loo hawl galin waxay ciidankaasina khatar u ahaayeen in ay kala yaacaan. Su’aasha lays waydiin karaa waxay tahay, maxaa Cadde ka hortaagnaa in uu soo dhaqaajiyo raggiisa oo soo wajaho dableydii C/llaahi? Dad arrintan ka faallooday waxay ishaareen, in ay jananka wali qabyo u ahaayeen xeelado iyo farsamooyin militari oo lagama maarmaan u ahaa in uu howlgaliyo dableydiisa uuna ku howllanaa dhammaystirkooda. Hase yeeshee tallaabadee ayuu halkaa ka qaaday Cadde? Fadlan hoos sii akhri.

 

Dhanka Cabdullaahi:

- Cabdullaahi Yuusuf wuxuu asna ka heli jirey dakhligiisa 4 ilood ama meelood oo kala ah: (1) xukuumadda Itoobiya ee Melez Zenawi; (2) ilaha dakhliga Puntland iyo xaraashka dhulkii Qaranka sida Gaalkacyo iyo Boosaaso; (3) lacago (Shilin-Soomaali) been ah oo loogasoo daabacdo dibedda; (4) Shirkadaha sida sharci darrada ah uga kalluumaysta Xeebaha Badda Puntlandiyo, (5) taageerayaashiisa dibedda iyo ganacsatada ku sugan Dalka (maadaama kuwan dambe ay kornaylka ku haystaan naasnuujin aysan ku qabin kuwa diiddan diktatoornimadiis.

 

- Cabdullaahi wuxuu Cadde dheeraa 4 ilood oo uu dhaqaale ka heli jirey, hase yeeshee wuxuu kala mid noqday hoos u dhaca dhaqaale oo saameeyey ugu yaraan 3 ka mid ah ilihii uu ka heli jirey dhaqaalaha sida dhankii xabashida oo ay canaani uga timid ayagoo u arkay in ay kornaylka siinayaan dhaqaale fara badan oo aan ka go’in dakhligooda asaguna uu wali ka adkaan la’yahay mucaaradkiisa Puntland (walow dad badani qabo in ay Itoobiya lacagtaas ka soo qaadday Maraykanka ayagoo uga iibiyey in uu Cabdullaahi la dagaallamayo “argagixiso” oo ay ula jeedaan Soomaalida Muslimka ah. Taas waxay qiil uga dhigteen isla qiraalkiisii ahaa in ay “al-qaacida fariisimmo ku leedahay Boosaaso agteeda”. Kornaylku waa nin khabiir ku ah “ka aarsiga dadkiisa” waana nin uu shaydaan ku mannaystay seegitaanka talada fiican markaana dhanka dambe ka gooya hadba laanta uu ka fuusahan yahay xagga hore. Sifooyinkaas Cabdullahi waxaa tusaale inooga filan oo kaliya: markii kal hore laga soo cayriyey Boosaaso oo uu asagu u talin jirey dhowr toddobaad ka hor, hase yeeshee si sharci ah looga wareejiyey xukuumaddii Puntland, lagana soo cayriyey magaalada kaddib markii uu ku soo qaaday dagaal uu asagu hoggaaminayo.

 

Maxamed Sheikh Maxamed Xirsi E-mail: xumbul@hotmail.com

 

Waa socotaa (Continue)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this