Deeq A. Posted September 29, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS, sida ay xaqiijisay VOA. Qorshaha ayaa ahaa in Taliska Ciidanka ATMIS uu dhammaadka bishan September dalka ka saaro saddex kun oo askari, taas oo daba socoto qorshaha wejigii hore ee yareyntooda oo daba-yaaqadii bishan June dalka lagaga saaray laba kun oo askari. Si kastaba, waddamadan, oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah. Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan u saamixi karin in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay hadda dalka kaga sugan yihiin. Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ciidamo ay ka joogaan dalka ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay warbixin ay ugu sheegayaan inay soo dhaweynayaan soo jeedintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Warbixinta ayaa lagu bogaadiyay dadaalada Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ay dalka kaga sifeyso maleeshiyada Al Shabaab. Taliska Hawlgalka ATMIS ayaa la filayaa in wareegga xigga ee dhimista tirada ciidamada ka jooga dalka uu sameeyo bisha June ee sanadka soo socda. Ciidanka ATMIS ayaa Dowladda Federaalka ka taageera hawlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab, inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay aanay wax door muuqdo ah ku lahayn gulufka dagaalka ee Shabaabka lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.The post 5 dal oo taageeray codsigii madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites