Deeq A. Posted September 29, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta tababar u furay dhallinyaro da’yar ah oo kusoo biiray ciidanka xoogga dalka. Ciidankan oo tababarka uga furmay dugsiga tababarka C.X.D.S ee Turk-Som ayaa sidoo kale waxaa kamid ah saraakiil iyo saraakiil xigeenno kamid noqonaya ciidanka xoogga dalka. Saraakiisha tababarka loo furay ayaa sidoo kale goobta lagu dhaariyay maadaama ay soo dhammeysteen dhibbowga ciidannimo, taasi oo goobjoog uu ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow. Wasiir Cabdinuur ayaa ciidanka uu tababarka u furay kula dardaarmay inay muujiyaan karti iyo firfircooni dheeraad ah waxa uuna ku ammaanay in ay doorteen difaacidda Diinteena, Dadkeena iyo Dalkeena. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kaga mahadceliyay Madaxweyaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamud, sida ay ka go’antahay dib u dhiska ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo la-dagaalanka iyo ciribtirka kooxaxaha khawarijta ee baneystay hantida iyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu mahadcelin u jeediyay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiintooda, isagoo sidoo kale ku ammaanay saraakiisha Soomaaliyeed ee qeybta weyn ka qaatay fulinta iyo isku dubbaridka tababarkan. Munaasbadan ayaa waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Taliye Xigeenka CXDS Janaraal Maadey Nuur Sheekh Ufurow ,Taliyaha Ciidanka Cirka XDS Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood) iyo Saraakiil ka kala socotay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dowladda Turkiga. Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir aad u wanaagsan, ayada oo safaaradda Turkiga ee Muqdisho ay tahay tan ugu weyn ee ay ku leedahay caalamka, waxaana Ankara ay taageero xooggan oo maaliyadeed iyo mid ciidan siisaa dowladda federaalka Soomaaliya The post Sawirro: TURKEY oo ciidamo cusub u tababaraya Soomaaliya appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites