Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka la Nool HIV/AIDS-ka oo la Kulmay Komishanka Qaranka u Qaabilsan Xannuunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka la Nool HIV/AIDS-ka oo la Kulmay Komishanka Qaranka u Qaabilsan Xannuunka

Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Koomishanka Xakameynta HIV/AID iyo qaar ka mida bulshada la nool xannuunka HIV/AIDS, ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa mudadii uu socday masuuliyiintu ay warbixino la xidhiidha xaalada dadka qaba xannuunka HIV/AIDS kaga dhageysteen, sidoo kale waxa kulankan diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadiilahaa wacyiga bulshada la nool xanuunka HIV/AIDS-ka, iyo sidii dhamaan qaybaha kale ee bulshada ay isu dhexgali lahaayeen, loona faham siin lahaa bulshada in HIV/AIDS-ku uu la mid yahay xannuunada kale ee bulshada ku dhaca.

Kulankan waxa shir-guddoomiyay agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka Maxamed X. Yaasiin Siciid, iyo xubno ka tirsan waaxda wacyigalinta.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo joogto ah oo komishanku ugu talo-galay in kor loogu qaado wacyiga bulshada isla markaasna meesha looga saaro takoorka ay la kulmaan bulshada la nool xanuunka HIV/AIDS-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this