Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha Cisbitaalada Gaarka ah oo Tababar Loogu soo Xidhay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Shaqaalaha Cisbitaalada Gaarka ah oo Tababar Loogu soo Xidhay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex Dr. Cabdicasiis Cumar Muuse, ayaa soo gaba-gabeeyay tababar socday mudo 10-maalmood ah oo ay qaadanayeen Shaqaale Caafimaad oo ka kala socday Xarumaha Caafimadka ee gaarka loo leeyahay.

Tababarkan oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo haayadda UNFPA, ayaa ku saabsanaa adeega Kalla korinta ubadka si loo hirgeliyo siyaasada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee kala korinta ubadka, tababarkan oo mudadii uu socday ay ka faa’idaysteen Shaqaale ka kala yimid dhamaan goboladda dalka ayaa wax weyn ka tari doona in bulshada lagu dhiirigeliyo faa’idadada kala korinta ubadku u leedahay Hooyadda iyo dhalaanka.

Isu’duwaha oo tababarkan si rasmi ah usoo gaba-gabeeyay ayaa shaqaalihii tababarkan ka faa’idaystay mudadii uu socday ayaa kula dardaarmay inay weeleeyaan sidoo kalena ugu adeegaan Bulshadii iyo Xarumihii ay ka kala yimaadeen.

Gaba-gabadii Isu’duwaha ayaa gudoonsiiyay Shahaadooyin cadaynaya aqoontii ay barteen dhamaan shaqaalihii dhamaystay mudadii uu tababarkani socday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this