Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Degmada Buulo Burde

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hor dhac ah ayaa kasoo baxaya khasaraha uu dhaliyay qarax maanta ka dhacay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo garaay dad shacab ah sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo halkaasi.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa  inuu si gaar ah uga  dhacay meel aan sida uga fogeyn suuqa lagu iibiyo Hilibka oo ku yaala bartamaha degmada Buula burte, waxaana lasoo warinayaa sidoo kale inuu jiro khasaare kale duwan oo ka dhashay.

Maamulka degmada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la xaqiijiyay geerida 5 ruux oo shaca ah, halka sidoo kale ay jiraan dhaawaca 14 kale, qaraxa ayaa waxaa hor istaagay askar ku sugnaa meel u dhow suuqa degmada.

isgaarsiinta magaalada hawada ka baxday ayaa dib ugu soo laabatay, degmada ayaa waxaa sidaan oo kale hore uga dhacay qaraxyo kale duwan oo khasaare sababay, maamulka degmada ayaa ku baaqay in dagaalka Al-shabaab loo midoobo.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this