Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka ku nool degmo XAMAR ka tirsan oo lagu soo rogay lacag cusub (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpeg?fit=1620%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo rogay lacag cusub, oo aysan la qabin inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dadka degan degmada oo aan marka hore loo sheegin ayaa waxay ku warheleen in laga rabo lacagtaan cusub, taasi oo maamulka degmada uu ku waajibiyay in ay bixiyaan lacagtaas oo dhan $40.

Lacagtaan ayaa waxaa lagu sheegay tiro koob cusub oo macnaheedu yahay in lagu ogaado dadka degmada degan, taasi oo qaarkood fajiciso ku noqotay dadkii muwaadiniinta ahaa oo horay looga diiwaan-geliyay degmada .

Sida ay ogaatay Caasimada Online, lacagtaan waxaa loo kala qeybiyay laba dhinac, kuwaasi oo kala ah qofkii kireysta ah oo bixinayo $15 halka $25 kale laga rabo mulkiilaha guriga, halka qofka mulkiilaha isla gurigiisa degan laga rabo wadarta lacagtaan gaareysa $40.

“Dhowr qof oo aan awoodin in ay bixiyaan lacagtaan, kuwaasi oo u badnaa dad jilicsan ayaa lagu xayiray xarunta degmada, halka dadkii awooday ay dhiibeen qaarna ay damiin ku baxeen,” sida ay noo xaqiijiyeen dadka goobta lagu xayiray oo haween u badnaa.

Sidoo kale waxay sheegeen in lacagtaan cusub ee maamulka degmada uu soo rogay aan inta badan laga qaadin dadka xriirka la leh dadka ka shaqeeya degmada ama masuuliyiinta gobolka xiriirka la leh.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay qaar kamid ah maamulka sare ee gobolka Banaadir, waxna ka waydiinay waxa uu kala socdaan arrimahaan ayaa inoo sheegay in aysan waxba kala socon lacagtaasi lagu soo rogay dadka degan degmada Wadajir.

Hase yeeshe waxay xuseen in gudoomiyaha gobolka Banaadir uu si toos ah ula macaamilo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka, isaga oo aan la socodsiin qaybaha ay quseyso.

Si kastaba, dadka ku nool degamada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa la gaar noqday dhibaatooyin aysan qabin inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo kaga yimaada maamulka degmada. Dhibaatooyinkaas ayaa u badan lacago “magac sameys ah” oo lagu soo roggo dadka degmada, kuwaasi oo marba qaab iyo qorshe cusub ku yimaada.

The post Dadka ku nool degmo XAMAR ka tirsan oo lagu soo rogay lacag cusub (Xog) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this