Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidanka deegaanka oo ka dul-dhacay Shabaab qaraxyo aasayey kadibna…

Recommended Posts

Deeq A.   
384742142_780618504104758_46786136242567

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamada dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta fashiliyeen maleeshiyaad qaraxyo ku aasayey waddooyinka dadka shacabka ah adeegsadaan.

Ciidanka deegaanka oo howl-gal ka sameynayay deegaan hoostaga degmada Xarardheere oo dhanka galbeed kaga beegan, ayaa ka dul-dhacay Shabaab-ka ku howlanaa qaraxyada miino aasida.

Xooggaga howl-galkan fuliyey ayaa goobta lagula dhuftay qori saban ah labadii xubnood ee miinada aasayey, kuwaas oo hilbohooda inyar oo kamid ah ay soo bandhigtay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa koox ilaalo u aheyd, kuwaasi oo dowladda sheegtay in lasoo afjaray ayaa laga dhaawacey ilaa saddex xubnood oo kale.

Xubnaha la dhaawacay ee maleeshiyaadkaan ayaa markii dambe goobta ka baxsadey, ayada oo ciidamada ay ku guuleysteen inay dhowr miino oo kale kasoo saaraan jidkaasi, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Maalmo kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xarardheere ay gacanta ku dhigeen nin ay Al-Shabaab usoo dirsatay sahminta waddooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug, oo ay sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah.

Balse toddoobaadkii u dambeeyay ayaa waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaal-yahano aad u badan.

Si kastaba, kooxda ayaa weli muujineysa inay awood u leedahay fulinta falalka amni darro ayaa marar kala duwan qaraxyo la beegsada waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada iyo weeraro gaadmo ah, kuwaasi oo guullo aan la xaqiijin ka sheegtaan.

383496266_780618507438091_33669811446868

384742142_780618504104758_46786136242567

384748141_780618524104756_20294301827232

The post Sawirro: Ciidanka deegaanka oo ka dul-dhacay Shabaab qaraxyo aasayey kadibna… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this