Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiinta DF ee dambiga lagu waayay?

Recommended Posts

Deeq A.   
OK.png?fit=875%2C438&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooto xoolow dadweyne.

Raggan oo isugu jiro, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa qaarkood la xukumay, halka kuwa kalena dib loogu celiyay xorriyadooda.

Dadka la fasaxay ee dambiga lagu waayay waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay.

Labada ninba maxkamaddu waxa ay caddeysay in lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna sidaas ugu soo celisay xoriyaddooda.

Haddaba maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiinta dambiga lagu waayay?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isugu horay u iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah musuqa ayaa u sheegay in cid kasta oo lagu helo dambi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ciddii lagu waayana la abaal marin doono.

Xasan Sheekh ayaa markaas shaaca ka qaaday in mas’ul kasta oo hortegaa maxkamadda, laguna waayo dambiga uu kasii dalici doono booska iyo meesha uu hadda joogo.

“Waa la baarayaa haddii uusan lahayn musuq-maasuq tiimbare ayaa la siinayaa waana dalacayaa weliba meeshii uu joogay meel kasii sarreyso ayuu tegayaa aamin waayay illeen maxkamaddii ayaa soo tiri ninkaan waxba ma xadin” ayuu horay u yiri madaxweyne Xasan.

Dhankiisa, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa ka hadlay qaddiyadaan, wuxuuna xukuumadda ugu baaqay in mas’uuliyiinta lagu waayay eedda ee ay sii deysay maxkamadda gobolka inay ku celiso shaqadooda, si ay usii wadaan.

“Xukuumadda waxaa ku waajib ah qofkii danbi lagu waayay in shaqadiisii lagu celiyo ammaanna loogu daro, si ay u kala duwnaadaan iyaga iyo kuwii danbi lagu helay
يسمي رد الاعتبار في القانون” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Si kastaba, waa markii ugu horeysay oo saraakiil lagu helay in ay ku kaceen arrin la xiriirta musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo lacag dhaqid ay maxkamadda gobolka Banaadir ku rido xukuno adag, islamarkaana ay fasaxday kuwa kale oo dambi lagu waayay.

The post Maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiinta DF ee dambiga lagu waayay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this