Deeq A. Posted September 28, 2023 Jabuuti oo Laga Dareemay Dhul Gariir Jabuuti(Qaran)-Dalka Jabuuti waxa laga dareemay Dhul-gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 4.7, saacadu markii ay ahayd 4:20 subaxnimo sida ay sheegtay Xarunta cabirka dhul-gariirada Maraykanka ee USGS. Xarunta ayaa intaasi ku dartay in ubucda dhul-gariirkani ay tahay meel 3.5 km waqooyi bari kaga beegan Magaalada Jabuuti. Qotoda dhul-gariirka ayey xaruntu ku tilmaantay in ay jirto 12 km, balse ma jirto faah-faahin intaas ka badan oo soo baxday. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites