Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Qorshaynta oo la Kulmay Hay’adaha ka Shaqeeya Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Qorshaynta
oo la Kulmay Hay’adaha ka Shaqeeya Somaliland
IMG-20230928-WA0004.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka JSL Mudane, Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ka hawlgala gudaha dalka jsl.

Kulankan wasiirku la qaatay hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, ayaa intii uu socday lagu lafa guray doorka ay daneeyayaasha Somaliland ka taageera dhanka horumarka ku yeelan doonaan shir waynaha Madasha horumarinta dhaqaalaha ee heer Qaran, kaas oo la qorsheeyey in uu magaalada Hargeysa ka qabsoomo 14/15, October, 2023.

Sidoo kale kulankan ayaa mudada uu socdo lagu lafa-guri doona caqabadaha hortaagan xallinta mushkiladaha dhaqaale ee Waddanka haysta iyo sidii loogu heli lahaa Xal-waara.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this