Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Ammaanka oo Sheegay in Laba Qarax Lagu Fashilayay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo garayo maagalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay saaka ka hor tagay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo lala damacsanaa  magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha ciimadama ayaa la sheegay inay hayeen xogta gaadiidkaas iyagoo ku guulaysay in ay labada gaariba ay ka hortagaan isla markaana ku fashiliyaan bannaanka hore ee magaaladda Dhuusamarreeb, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidanka amniga.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa ilaalada Madaxtooyada Qaranka ayaa ku sugan magaalada oo sugaya ammaanka guud, maadama uu halkaas bishii labaad uu ku sugan yahay magaalada madaxweynah Jamhuuriyadda Dr. Xasan Shiikh Maxamuud.

Gawaaridaan qaraxa lagu soo raray ayaa kusoo aadaya, xilli dhowaan magaalada Baladweyne uu ka dhacay qarax gaari, halka mid kalena ciidanku ay ku guuleysteen in ay qabtaan, kaas oo la sheegay inuu kusii jeeday deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Deegaanada Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waxaa si xowli ah kaga socday howlgallo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kula dagaalamaya deegaanno dhaca gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this