Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Goordhow Ku Dhawaaqeysa Go’aanka Eededa Musuqmaasuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda gobolka Banaadir oo muddooyinkii ku howlaneyd dhageysiga dacwad loo heysto shakhsiyaad lagu eedeeyay lunsasho xoolo dadweyne ayaa soo gabagabeysay dhageysiga, iyadoo la filayo in goordhow maanta oo Khamiis ah ay dhawaaqo go’aanka maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud oo soo xiray fadhigii 9-aad ee ugu dambeeyay  Maxkamadda ee dhageysiga dacwadda loo heysto eedeysanayaa ayaa sheegay in Maxkamaddu go’aanka ay dib kasoo sheegi doonto.

Eedeymaha lasoo jeediyay ayaa waxaa inta badan ku lug lahaa mas’uuliyiin kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo hey’adda socdaalka Jinsiyadaha Soomaaliya mas’uuliyiintaan ayaa ahaa agaasimayaal kale duwan.

Tirada eedeysanayaa ayaa waxaa Xeer ilaalintu shaacisay 6-dii bishii June ee sanadkaan, waxaana tiro ahaan ay ka kooban yihiin 18 eedeysane, waxaa gacanta dowladda ku jira 9 ruux, halka 9 kale ay maqan yihiin sida lagu shaaciyay bayaan Xeer Ilaalintu baasisay.

Maxkamadda ayaa dhageusiga dacwadaan u fadhiisatay 9 fadhi oo kale waxaana ugu dambeyn laga sugayaa bari ay shaaciso naatiijada kama dambeysta ah ee go’aanka lagu qaadayo eedeysanayaasha loo heysto falal la xiraara musqmaasuq lunshao lageed.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidookale soo gebagebeeyey eedda uu u haysto eedeysanayaasha, wuxuuna Maxkamaddu ka codsaday in eedeysanayaasha ay ku hesho qodobadda lagu soo eedeeyey iyo in Maxkamaddu ku xukunto ciqaabta ugu sarreysa ee ku xusan qodobadda lagu soo eedeyey.

Dhanka kale Qareenada difaacayey eedeysanayaasha ayaa dhankooda soo jeediyey geba-gebada difaacooda eedda xeer ilaalinta ay ku eedeysay eedeysanayaasha, waxay Maxkamadda ka codsadeen inay texgeliso codsigooda ku aadan in eedeysanayaasha xuriyadooda dib loo siiyo lana sii daayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud oo soo xiray fadhigii 9-aad ee ugu dambeeyay, isaga oo sheegay in Maxkamaddu ay go’aan u diray galkaan, gadaalna ay ka soo sheegi doonta ku dhawaaqista kiiskan 28 bisha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this