Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Maxay Shirka Wasiirka Howlaha Guud Uga Qeyb Galay Magaalada Nairobi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir oo ka qayb-galay shirka diyaarinta qorshe hawleedka sanadka ee mashruuca SHIIP oo ka furmay magaaladda Nairobi Ee dalka Kenya

Waxaa shirka kasoo qayb galay Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha dowladda Soomaaliya,Madax kasocotay Bangiga Adduunka oo maalgelinaya Mashruuca, Agaasimaha Guud iyo Qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud.

Ugu dambayntii shirka ayaa inta uu socondoono waxaa lagu falanqayn doonaa qorsheyaasha hortabinta u leh mashruuca sanadka cusub & sidii loo fulin lahaa, Bankiga adduunka ayaa sanad walba Soomaaliya ugu deeqa mashaariic hormarineed oo laga fuliyo dalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this