Sign in to follow this  
Deeq A.

Shakhsiyaad Lagu Soo Eedeeyay Mususmaasuq oo Xukunno Kale Duwan Lagu Riday Maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kale duwan ku ridday shakhsiyaad lagu soo oogay eedeymo ku aadan musuqmaasuq, kuwaas oo dacwadoodu ay soo socotay tan iyo bishii May 2023 oo la furay gal-dacwadeedka loo heysto lunsashada hanti dadweyne.

Mas’uuliyiintaan xukunnada lagu riday ayaa ka kala tirsan Mas’uuliyiin katirsan, Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Wasaaradda Shaqaada iyo Arrimaha Bulshad Soomaaliya , Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Bangiga Dhexe, waxaana lagu riday xukuuno.

Wadarta mas’uuliyiintaan ayaa ahaa 18 ruux, kuwaas oo 9 kamid ah la xiray, halka 9 kale ay maqnaayeen ama baxsad lagu sheegay Maxkamadeyntooda soo socotay bilihii la soo dhaafay, waxaana maxkamaddu ay qaadatay 9 fadhi oo kale duwan, kuwaas oo soo idlaaday.

1: Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulka Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah.

2: Cabduqaadir Cabdi Socdaal  oo ah qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

3: Abuukar Maxamed Cali oo ah  maamulkii xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 8 sanno oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed.

4: Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

5: Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

6: Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo maqane ah, ahaa shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa.

7: Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah.

8: Aadan Maxamed Cabdi,oo ah  maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.

9: Saabir Xasan Cabdinuur, oo ah madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay saddex sanno iyo lix bilood oo xarig ah.

10: Cumar Macallin Nuur, oo ah agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah.

11: Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

Waa markii ugu horeysay oo saraakiil lagu helay in ay ku dhaceen arrin la xiriirta Musuq-maasuq,lunsasho hanti dadweyne,lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday ay maxkamadda gobolka Banaadir ku rido xukun nuucaan oo kale ah.

WhatsApp-Image-2023-09-28-at-13.10.56.jpGoobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this