Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Degmada Buula burde Ee Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa  kasoo baxay qarax khasaare kale duwan dhaliyay oo maanta ka dhacay degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan, kaas aad u xoogganaa oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa  inuu gaar ah uga  dhacay meel aan sida uga fogeyn suuqa lagu iibiyo Hilibka oo ku yaala bartamaha degmada Buula burte, waxaana lasoo warinayaa sidoo kale inuu jiro khasaare kale duwan oo ka dhashay.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo waliba nooca uu yahay, maadama isgaarsiinta magaalada hawada ka maqa tahay, degmada ayaa waxaa sidaan oo kale hore uga dhacay qaraxyo kale duwan oo khasaare sababay.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmo kar sidaan oo kale qax uga dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay khasaare kale duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku noolaa Nuur Xawaad degmada Baladweyne.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this