Deeq A. Posted September 28, 2023 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka in ciidamada dowladda ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo la doonayay in lala beegsado gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, xilli uu bishii labaad ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo u tegay dagaalka Al-Shabaab. Ciidanka ayaaa fashiliyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo ay Al-Shabaab doonayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusanareeb, si ay ugu qarxiyaan meelo bartilmaameed u ah. Qoraal lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi laga hortegay kadib xogo ay heleen ciidamada ammaanka. “Ciidanka ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale warbaahinta ayaa ku warrantay in gawaarida qaraxyada siday lagu fashiliyay bannaanka magaalada, taas oo keentay in weerarka sidaas looga hortago. “Ciidamada ayaa ku guulaystay in labada gaariba ay uga hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Qoraalka ayaa intaas kusii daray “Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Galmudug”. Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug, kaas oo ay isna ka hortageen ciidamada ammaanka, kahor inta uusan gaarin goobta ay joogeen mas’uuliyiinta oo la sheegay inay bartilmaameed u ahayd kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo iyo duqeymo xoogan, kuwaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dhexe. The post Daawo: Xogta laba qarax oo ka dhacay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites