Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gacanta ku dhigay ajnabi ka tirsan kooxda DAACISH

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695854076141.webp?fit=692%2C666&

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee  Puntland ayaa maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Bari ee maamulkaasi.

Howlgalkan oo ka dhacay degmada Uffeyn ayaa waxaa lagu soo qabtay xubin ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland ayaa waxaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi, waxaana lagu sheegay in ninka lasoo qabtay uu kasoo jeedo dalka Suudaan.

Sidoo kale waxa ay booliska shaaciyeen sawirka ninkan oo ay sidoo kale magaciisa ku sheegeen Axmed Xuseen Ibraahim.

“Howlgalka oo laga fuliyey Gobolka Bari gaar ahaan agagaarka Degmadda Uffeyn ayaa lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ISIS/Daacish oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Booliska ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xubnaha ajaaniibta ee ku biiraya kooxda Daacish ay sii kordhayaan, taas oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Dhowaan ayay aheyd markii ay Puntland shaaca ka qaaday in sarkaal kale oo ajanbi ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeday dalka Yemen, laguna magacaabo Maxamed Saalim Maxamed uu u dhintay kadib kuleyl iyo gaajo soo wajahday, kaas oo ka tirsanaa isla kooxda Daacish,

Maydka ninkaas ayaa laga soo helay nawaaxiga degmada Dhudhub, balse ma cadda illaa iyo hadda ujeedkiisa iyo halka uu ku socday intaba.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraha Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka amniga.

The post Puntland oo gacanta ku dhigay ajnabi ka tirsan kooxda DAACISH appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this