Sign in to follow this  
Deeq A.

Azerbaijan oo gacanta ku dhigtay hoggaamiyihii hore gobolka Nagorno-Karabakh

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amniga ee Azerbaijan ayaa Arbacadii sheegay inay xabsiga dhigeen hoggaamiyihii hore ee xukuumadda gooni u goosadka ah ee gobolka Nagorno-Karabakh, xilli uu isku dayayey inuu u baxsado dhinaca Armenia.

Tallaabadan ayaa ku soo aadday, iyada oo milateriga dalkaasi ay hawlgallo ka wadaan gobolkaas, ka dib markii ay gacan-ku hayntiisana kala wareegeen kooxaha ka soo jeeda qowmiyadda Armenia.

Ciidamada xuduudda ilaaliya ee Azerbaijan ayaa si rasmi ah u shaaciyey xariga Ruben Vardanyan, iyaga oo doonaya inay muujiyaan sida xukuumadda Azarbaijan ay gacanta ugu hayso gobolka Nagorno-Karabakh.

Hoggaamiyahan ayaa loosoo duuliyey dhinacaas iyo caasimadda Baku, halkaas oo masuuliyiinta dalkaasi ay ka go’aan gaari doonaan wixii laga yeelayo.

PUNTLAND POST

The post Azerbaijan oo gacanta ku dhigtay hoggaamiyihii hore gobolka Nagorno-Karabakh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this