Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo shirar hoose Nairobi kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka dhuuntay wasiiradiisa ku sugan Nairobi ayaa sida wararku xaqiijinayaan keligiis shirar hoose la yeeshay wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Madaxweyne Deni ayaa Nairobi kula shiray qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka gaar ahaanna Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo uu kala hadlay arrinaha mashaariicda Horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.

Wakiilada uu la kulmay Madaxweynaha Puntland waxaa kamid ah wakiilka Midowga Yurub Karin Johansson iyo saraakiil ka socotay hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sida ay wararku tilmaamayaan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo shirar hoose Nairobi kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this