Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo safar qarsoodi ah ku tagay dalka Jabuuti iyo Xasan Sh. Maxamuud oo Maraykanka u saxeexay in uu saldhig millatari ka samaysto Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa saddex maalmood warar aan sugnayn la ii gu sheegaayay, maanta na xaqiiqadeeda aan helay, in Kornayl Muuse uu si dhuumasho ah Jabuuti u gu baxay. Muxuu ka doonay hadii ay ku gu soo dhacayso, waa su’aal meesha ku jirta, jawaabtu na ma adka. Wax xil leh buu ku maqanyahay. Nin dhuumasho ku baxay miyuu wax wacan ba shuqul ku leeyahay? Hadii wax hagaagsani jiraan, saw hadh cad ma baxeen oo weliba shir jaraa’id oo safarka ku saabsan na ma qabteen? Ilaa hadda inta la ii xaqiijiyay waa sidan:

1. Muuse hal baabuur oo rayid ah, oo plate number ka hay’adaha ee cas la gu xidhay, ayuu Berbera u soo raacay isaga oo moodaaya in uu qarsoomaayo, halkaas baanu diyaarad yar oo qarsoodi ah ka raacay ilaa Jabuuti, meel qarsoodi ah baanu ka degay.

2. Waxa uu soo saxeexay heshiis ciidanka Maraykan la gu siinaayo saldhig ciidan oo Berbera ah, laakiin Wasiirka Difaaca ee USA la ma kulmin.

3. Heshiiska saldhigga waxa ka la saxeexday Xassan Sheekh iyo Xoghayaha Difaaca ee USA oo booqasho Jabuuti ku yimid, Muuse na warqad gooni ah ayuu Xassan u saxeexay.

4. Muuse waxa uu Xassan ka dalbaday in heshiiskii midnimada ee Hargeysa iyo Muqdisho imika la galo, Xassan na waxa uu u sheegay in hawshaas dib loo dhigo.

5. Muuse waxa uu magacaabay saddex nin oo laba ka mid ahi yihiin Jaamac Muuse Jaamac iyo Dr. Bulxan, ka saddexaad na xaqiijintiisa ayaan ku jiraa. Saddexdaas nin ee aanu midkood weli ii caddayn, waxa uu u magacaabay hawsha heshiiska midnimada Hargeysa iyo Muqdisho, ee Madaxweynaha Uganda na uu odayga ka yahay in ay ka shaqeeyaan.

Jabuuti waxa ka socda isaga oo kooban, oo koob ku jira waa intaas. Wasiirka Debedda ee SL, Mr. Ciise Kayd, hawshaas si buuxda ayaa banaanka loo ga dhigay, cid kale na hadalkeedba daa.

W/Q Maxamed Haaruun Biixi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this