Deeq A. Posted September 28, 2023 Xaafadda Sheekh Cumar oo Yeelatay Jid Laamiya Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa ku guuleysatay dhismaha jidka Xaafada Sheekh Cumar. Waa guulaha iyo midhaha ay gaadhay dowladda hoose ee Hargeysa. Qaybaha kala duwan ee dadweynaha degan xaafada Sheekh Cumar ayaa si weyn u soo dhaweeyay hirgelinta dhismaha jidkani. Taariikhda waa markii koowaad ee xaafadani ay yeelato jid laamiya oo isku xidhaya, degmooyinka Gacma-dheere iyo 31‐ka May. Dadyowga xaafada Sheekh Cumar Carruur iyo Ciroole, aad bay ula dhaceen sida ay ugu hagar baxeen masuuliyiinta dowladda Hoose iyo cidda ay u wakiisheen dhismaheeda. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites