Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargab Shimbireed Ka Dilaacay Koonfur Afrika iyo Cabsi Laga Qabo Inuu Aadanuhu Qaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu faro ba’an uu ku hayo Hergabka Shimbiraha, kaas oo ilaa iyo hadda galaaftay tiro badan oo Digaagga la dhaqdo iyo Shimbiro isugu jira, isaga laga soo xigtay mas’uul u hadlay ilaalada deegaanka iyo xanaanada xoolaha dalkaasi.

in kaban 2 Milyan oo digaag ah ayaa udhintay cudurkaa, Namibia ayaa hakisay wax soo saarka digaaga nool iyo dhammaan wax soo saarka digaaga ee ka iman jiray dalka ay jaarka yihiin ee Koonfur Afrika kadib markii uu ka dilaacay nuc Hergab shimbireed oo ba’an u faafaya dalkaasi.

Sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee Namibia Joojinta waxaa sabab u ah “faafidda naxdinta leh” ee HErgabka loo yaqaan (HPAI) ee aadka u faafa ee gudaha Koonfur Afrika, nuuca Hergabkaan ayaa qubarada caafimaadku ay sheegayaan inuu yahay mid aan hore loogu arag Qaaradda Afrika.

Kiisaska cusub ayaa laga soo sheegay dhammaan noocyada digaaga ee gobollada Kwazulu-Natal, Western Cape, Gobolka Free, Gauteng, Limpopo, Mpumalanga iyo Waqooyi Galbeed siday u kala horreeyaan,” ayay wasaaradda ku soo qortay Facebook taas oo digniin u muuqatay.

In ka badan laba milyan oo digaag ayaa lagu soo waramayaa inay ilaa hadda u dhinteen cudurka dillaacay, dalalka la dariska ayaa sheegay in ay qabaan cabsi ah inuu xanuunku u soo gudbi karo dhankooda, waxaana la joojiyay wax walba oo la xiriira Hilibka kasoo dhoofa Koonfur Afrika.

Sikastaba ha ahaatee hergabkaan dilay digaaga badan, waxaa sidoo kale jirta in laga cabsi qabo inuu Virus-kiisa uu Aadana uu saameeyo iyadoo aad looga digayo in laga fogaado, iyadoo la sheegayo Hergabkaan mar hore lagu arkay wadamo dhaca Latin America oo uu saameeyay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this