Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulan uu taliyaha ciidanka xoogga dalka uu la qaatay taliska DANAB

Recommended Posts

Deeq A.   
381787115_620827356886025_11709388861079

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa kormeeray maanta taliska guutada 16-aad ciidanka kumaandoosta DANAB.

Taliyaha ciidanks xoogga dalka ayaa waxa uu halkaas kulan kula qaatay taliyaha guutada, taliye ku-xigeenka guutada iyo qaar ka mid ka mid ah taliye ururada guutada 16-aad DANAB iyo saraakiil kale.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii loo dardar-galin lahaa howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa uu ku bogaadiyey ciidanka DANAB inay sii laba jibaaran dagaalka dalka looga xorreynayo argagixisada, kaasi oo wejigiisa koowaad laga gaaray guullo horleh, laguna xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

DANAB ayaa kaalin lixaad leh uga jirta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta, iyagoo ka hawlgalaya qaybo badan oo ka mid ah furimaha dagaalka oo ay guulo waaweyn ka keeneen.

Dagaalka Al-Shabaab oo si dardar leh ku socda ayaa waxay ciidamada maalmihii lasoo dhaafay kooxda ka xoreeyeen deegaano cusub, ayada oo madaxweynaha uu bilihii dambe uu dagaalka ka hagayay magaalada Dhuusamareeb oo uu xaryn ka dhigtay.

Kooxda ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa si gaar ah aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaal-yahano aad u badan.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

The post Xogta kulan uu taliyaha ciidanka xoogga dalka uu la qaatay taliska DANAB appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this