Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciraaq: In ka badan 100 qof oo ku dhintay dab ka kacay xafad Aroos

Recommended Posts

Deeq A.   
aroos.jpg?resize=624%2C468&ssl=1

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacday Gobolka Nineweh ee waqooyiga Ciraaq.

Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku jiraan xaalad aan degganeyn ,iyadoo kuwa uu soo gaaray  dhaawaca daran loo qaaday isbitaallada leh agabka daryeelka gaarka ah.

Guddoomiyaha gobolka Nineweh ayaa sheegay in tirada khasaaraha aan la xaqiijin Karin,isagoo intaa raaciyay In qalabka dhismaha ee loo adeegsaday hoolka xafladda ay sababeen in si degdeg ah uu danku u faafo.

Difaaca madaniga ah ee Ciraaq ayaa sheegay in warbixinadii ugu horeeyay ay muujinayaan in dabkaasi uu sababay isticmaalka Bululeyrka ama baaruudda rashka intii lagu jiray dabaaldega xafladaasi arooska ah.

PUNTLAND POST

The post Ciraaq: In ka badan 100 qof oo ku dhintay dab ka kacay xafad Aroos appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this